Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho
    May 4, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM
    May 3, 2026
    Soomaaliya oo xoojineyaa Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee ay la leedahay UNDP
    May 3, 2026
    Muxuu Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ku soo arkay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka?
    May 3, 2026
    Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada
    May 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray
Maqaallada

Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 28, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho.( SONNA): Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed laga soo saaray.

Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya. Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada badan.

Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.

Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto hal deegaan doorasho  ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka , kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.

Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu wax doorto Lana doorto.

Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.

Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban qaabisay kulan wadatashi ku saabsan badbaadada…

May 4, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maxaa laga filan karaa shirka Culaam’udiinka uga furmay Muqdsiho? (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Shirweynaha Culimadda Soomaaliyeed oo ka furmay shalay magaaladda Muqdisho ayaa qodobadda looga hadlayo waxa ka mid ah sidii dagaal adag…

MaqaalladaWararka
January 25, 2023

Xogihii ugu dambeeyay goobaha ciidanka Qaranku ku wajahayaan Khawaarijta (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Argagixisada dhibaatada adag ku haysay dalka muddooyinkan waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay howlgallada socda oo ay iska…

Maqaallada
April 12, 2023

Dowladda iyo shacabka oo ka dhiidhiyay gardarada Itoobiya ee Damaca Badda (WARBIXIN)

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala…

GudahaMaqaallada
January 11, 2024

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan…

GudahaMaqaalladaWararka
July 18, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023