Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 31, 2024
6 Min Read
Share

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan cusub, waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dowladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

Dhinaca kalen Dowlada Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay muddo laba sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM, loona guurayo UNCT, iyadoo muddaadaasi sidoo kale ay dowladdu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay oo loogu magac daray UNATMIS, waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arrimaha taageerada dib u dhiska Hey’adaha Dowladda, gargaarka biniโ€™aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga, waxayna Dowladda Soomaaliya caddeysay in arrimaha Siyaasadda ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

Qorshahaan waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee sanadkan, islamarkaana uu soo gaba gaboobo sanadka 2026-ka waxaana xiligaasi kadib Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee hadda jira uu noqonayaa mid xirma, howlaha hareyna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana muddada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba, iyadoo shaqooyinka ay qabtaanna ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

Haddaba xiisad ayay ka dhex abuurtay Itoobiya Imanshaha Soomaaliya ee Dowladda Masar, iyadoo Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba โ€œItoobiyaanku Adduunyadaan la joogo labo ayay ka cabsataa, waa Soomaali xoogeysatay oo leh ma qaadan kartaan Waddankeenna taako ka mid ah iyo Masaarida Ciidankooda xooggan ee baabi’in kara Itoobiyanka damacu waalayโ€.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ka tirsan Xabashida ayaa laga dareemayaa inuu ahaa mid aad u karkarayay, taasi oo muujineysa inuu xaalkooduna meel xun marayo , waxaase hubaal ah in maalmo kale oo adag ay Ethiopia wajihi doonto. โ€˜Soomaaliya maahan Soomaaliyadii shalayโ€™.

Dadka Taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Masar iyo xasaasiyadda ay ka qaaday Itoobiya ku caddeeyay qodobadaan:-

1-Soomaaliya iyo Masar Heshiiska Difaac/Amni ay galeen waa mid dhaqan gal ah, Cid wax ka baddeli karta ma jirto.

2- Itoobiya waxay Buuqaan oo dhan u kicinee inay ka mid Noqoto AUSSOM, taasina ma dhici karto oo Goโ€™aanka Cidda Xubin ka noqoneysa Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh mana ogola.

3- Dowladda Maraykanka waxay u aragtaa Tillaabadii Abiye iyo Muuse mid toos u dhaawaceysa Amniga Qaranka sida uu sheegay January 2024-kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareynka ee Aqalka Cad John Kirby.

4-Itoobiya waxay ku soo fashilantay inay siyaasaddeeda arrimaha dibadda inay ku meel mariso Is-Af-garadkii MOU, waxaana lama filaan ku noqday bandhigyada horumarsan {Performance) siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya siday ugu guuleysatay inay goโ€™doomiso maamulka Addis.

5- Maamulka Addis oo ku fashilantay inay diblumaasiyad ku wajahdo Muqdisho waxay isku dayeysaa inay Soomaaliya u meeriso Cidda ay la saaxiibeyso ama la kaashaneyso Sugidda Amnigeeda, suurtagalna maahan taasi.

6- Sheekada (Narrative-ka) Soomaaliya ayaa aad ugu xooggan Warbaahinta & Fikirka Guud ee Caalamiga ah Xaaladda hadda taagan, sidaas darteed waxay diiradda saartay Itoobiya inay kiiska u sawirto Masar vs Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Bartiisa Bulshada qormo uu qoray cinwaan uga dhigay โ€˜Caga laโ€™aanta ayay ciiddu igu aragtayโ€™, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:-

โ€œDiyaarad ay Masar leedahay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho ka soo dagtay ayay Itoobiyaanku yiraahdaan uma dulqaadan karno ( We canโ€™t tolerate it). Maamulka Soomaaliland wuxuu yiri waxaan si adag u diidannahay )Strongly object) imaatinka Masaarida ee Soomaaliya oo qalalaase ka abuuri doono degmada Geeska Afrikaโ€.

Xildhibaanka waxa uu is weydiiyay โ€œItoobiya ujeedkeedu muxuu yahay? Waa in ay xalaaleysato sidii ay qeyb uga heli laheyd baddeenna iyo dhulkeenna waana mid ay ku taameysay muddo aad u dheer. Annaga hadaan Soomaali nahay dhexdeenna siyaasad waa isku diidi karnaa, laakiin waa nasiib darro weyn in ruux Soomaali sheeganayo uu cadow raba inuu dhulkiisa qaata garab uu u noqdo. Qeybi oo xukun wey na soo martay yaan naloo celin. Taariikh ayaa qormeysa ee Soomaalaay dib isugu laaboโ€.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhawaan garay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri โ€œCadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.โ€. Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka iyo Dadka.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna Murti ku yiri:- โ€œXABASH HADDUU KU FAANAY XOOG, XASSANNA XEELAD WAA YAQAANโ€.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Xoosh: โ€œDowladdu way dhistay guddiga doorashooyinka balse ma fara-gelinayso shaqadoodaโ€

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa sheegay in dowladda…

GudahaWararka
June 19, 2025

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Muqdisho (SONNA): Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hayโ€™adda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) iyo ururka Bangiyada Soomaaliyeed…

GudahaWararka
July 29, 2025

Ciidamada Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dilay Qof Shacab ah

Bosaaso (SONN):-Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Warbaahinta la hadalay ay ย sheegay In Ciidamada Booliska Magalada Bosaaso…

GudahaWararka
April 13, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Madaxa Hay’adda Miino baarista

Muqdisho,(SONNA):- ย Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda…

GudahaWararka
May 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023