Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle  Xasan Sh. Maxamuud (WARBXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle  Xasan Sh. Maxamuud (WARBXIN)
GudahaMaqaallada

Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle  Xasan Sh. Maxamuud (WARBXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 24, 2023
7 Min Read
Share

“Khawaarij Kabakutukade intii uu calaacalka iyo baroordiiqda ku jirey, waa tanaa khariidadii dhulka uu dulmiga ku joogey lagu qaban lahaa la dejiyey.Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Dalxoreeye Dr. Hassan Sheikh Mohamud”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, isagoo timaamaya Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Fedrlaalka Soomaaliya sifooyinkiisa ayaa yiri sidan “Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud”.

Wasiirku isagoo hadal ku socda Khawaarij Kaba ku tukade ku qoray Bartiisa Baraha Bulshada ayuu yiri:- “intii uu calaacalka iyo baroordiiqda ku jiray, waa tanaa khariidadii dhulka uu dulmiga ku joogay lagu qaban lahaa la dejiyay.Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Dal xoreeye Dr. Hassan Sheikh Mohamud”.

“Waxaan dhageystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda Argagixisada Al-Shabaab oo wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu isku diraayo Beelaha dega Gobolada dhexe. Waxaa isweydiin mudan  maxaa sababay in Argagixisadu Al-Shabaab ay sidaan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?”, sidaasi waxaa isna yiri Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xildhibaanka oo hadalkaan ku soo qoray Bartiisa Bulshada ayaa sii raacsaday, “Waxay caddeyn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.Abaal uma ergana kooxda Argagexisada ah ee Al-Shabaab, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow1000 (kun} Soomaali ah  Zoobe kaga dilay”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan Magaalada dhuusamareeb ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin iyo howlwadeenada Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Dhuusamareeb u tagey garab istaagga Ciidamada Qalabka Sida ee ku jira dagaalka dib looga xoreynayo Argagixisada Khawaarijta ah ee Al-shabaab guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolada Dalka.

Madaxweynaha ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan taageerada, dhiirigalinta Ciidamada Qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku booriyay in ay laba jibaaraan kaalintooda halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Argagixisadu kaga dhuumaaleysaneyso dalka.

Dhankooda, Haweenka Soomaaliyeed ee kulanka ka qayb galay ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyaga oo ballan qaaday in ay hareer joogi doonaan wiilashooda qeybta ka ah halganka dalka dib lagu xoreynayo kooxaha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa taariikh ku nool ku leh halgankii loo soo maray helitaanka Xoriyadda ay Dadka Soomaaliyeed ay ku naaloonayaa, iyagoo ku bixiyay Xooggooda, dhiigooda, maskaxdooda iyo Xoolahooda, haatanna waxay la daba joogaan Ciidankooda taageero, dhiirigalin iyo Saadka ay cuni lahaayeen iyo cabitaanka ay cabi lahaayeen.

Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir baarqab oo ka hadlaysay sida ay ugu diyaargaroobeen taakuleynta iyo garab istaagga Ciidamada Qaran ee ku jira dib xoreynta deegaannada ayaa tiri:- ” maalin iyo habeen haweenka Gobalka Banaadir waxaa ay u taagan yihiin garab istaag Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macaawisleyda “.

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan Argagixisada ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran, wuxuuna warbixin siiyay Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya  mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Magalada Dhuusamareeb, wuxuuna Madaxweynuhu ku bogaadiyay tallaabooyinka ay ka qaadeen Argagixisada oo ay furimaha dagaalka ku jabiyeen.

Howlgalkan oo si xawli ah uga soconaya deegaannada kooban ee Argagixisadu kaga harsan tahay Galmudug ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada deegaanka, iyadoo qorshahu yahay ciribtirka Argagixisada Galmudug ku harsan lagu soo gabagabeeyo Wejiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ku dheeshay, islamarkaana ka been sheegtay Diinta Islaamka, waana burcad Diimeed u isticmaalay inay Dadka ku banneystaan Dhiiggooda iyo Xoolahooda.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ee dhawaan la wareegay deeganka Cowsweyne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud ayaa soo Bandhigay horjoogayaal ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Foodeey kulmiye, Cabdullaahi Ibraahim Xasan , Aadan Ibraahim Abshir iyo Malleeshiyaad kale oo duurgal ahaa, waxaana la soo warinayaa in Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ayaa in muddo ah ka shaqeynayay dhibaateynta Shacabka ku nool deegaanka Cowswayne, waxaana la marin doonaa sharciga.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay u tahay yididiilo fiican in Madaxweyne Xasan Sheekh u horseed u noqdo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo uu ka dhabeeyay in u waddanka ka ciribtirayo Khawaarijta,runtii waa hoggaamiye dagaal, dad badan ayaa islahaa toban barri ka dib ma joogi doono Dhuusamareeb oo Madaxweynaha dib ayuu ugu soo laaban doona Madaxtooyada, balse waxaa uu caddeyay in uu la yimid adkeysi oo uu dagaalka meel fiican gaarsiyay oo usan ka soo tagin, run ahaantii reer Galmudug waxay u tahay fursad in deeggaannadooda lag xoreyo Khawaarijta. Ciidanka  markii uu hoggaamiyahoodu uu hor socdo, la cunayo, lana cabayo dhiirigelin ayay u tahay, khawaarijna waa jabkooda”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Dowlihii hore ee Wasaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali.

Wasiiru dowlihii hore ee Amniga Farxaan Cali oo ka qeybgalay barnaamijka Raadraac ee ka baxaa Telefishinka Qaranka ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Khawaajirta ee u garwadeenka ka yahay Madaxweynah JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana u sheegay in dagaalkaan looga xoreynayo deeggaannadda Galmudug Argagixisada u yahay mid horseedi doona horumar iyo xasiilooni nabadeed oo ay helaan goboladda dhexe ee dalka, si loo sii ambaqaado xoojinta ciribtirayo qeybaha yar ee ay ku dhumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta. ” Madaxweyne Xasan Sheekh waa u dhabar adeegay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta”,ayuu sii raaciyay.

Maadaama uu la yimid sifo wanaagsan Madaxweynaha JFS marka sow kuma tilmaami karno ama sow ma oran karno waa Hoggaamiye Hadaf sarreeya, Himilo dhabowday iyo Hogaamiye daacad ah Xurmadle Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa Muqdisho oo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ku wareejiyay dhismaha Casa Italia

Muqdisho-(SONNA)-Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii…

GudahaWararka
September 12, 2023

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo booqday magaaladda Carta ee dalka Jabuuti

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu waheliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee…

GudahaWararka
May 17, 2024

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay shirka golaha wadatashiga Qaran

Muqdisho (SONNA): War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa lagu sheegay in madaxda golaha wadatashiga…

GudahaWararka
October 16, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamse oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska sannad-guurada 63-aad ee aas-aaskooda u diray…

GudahaWararka
April 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023