Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni
    February 1, 2026
    Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan
    January 31, 2026
    Howlgalka Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deeegaano muhiim ah
    January 31, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New Delhi kaga qeyb galay shir caalami ah
    January 31, 2026
    Shirweynaha isku-Duwidda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 21, 2023
8 Min Read
Share

Howlaha Dowladda ayaa si xowli ah u socda, ha ahaato dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta iyo dhameystirka Dastuurka Dalka oo la filayo inay soo dhammaadaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2024-ka, sidaasi awgeed ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ay howlo shaqo ugu kala safreen Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, kuwaasi oo kala leh ujeedooyin iyo muhiimado kala duwan oo dhammaantood is wada kaabaya oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Bey’adda sida Abaaraha, daadadka ka dhasha Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada London kaga qeybgalay shirweynaha cunno yarida oo looga hadlayay sidii loo jaangoyn lahaa siyaasadda cuntada adduunka. Shirkaasi oo ay wada shir guddoomiyeen Dawladaha Soomaaliya iyo Ingiriisku ayaa waxaa isugu yimaadeen Dawlado, Ururo caalami ah, saynisyahano, Hey’ado iyo Ganacsato si looga arrinsado dhibaatada cunto yarida adduunka, isaga  oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo cunno yarida, isagoo sidoo kale sharraxay dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cunno yarida.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u balanqaaday bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhiseyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burburay Roobabkii ka da’ay gobolka, kadib Kulan uu la yeeshay madaxda dowlad gobaleedka Jubbaland, kan gobolka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo, oo hadda wajahaya xaaladda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da’ay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago dadka ay saameeyeen Roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka Gedo, waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka ayaa soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka.

“Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka Roobka ee barakiciyay kumannaan qoys,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tegay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa shalay kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaaladaasi,  iyadoo kadib kulanka laga soo saaray War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta”.  Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Beeraha ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhaftay in ay $100 Milyan ay arrintaasi u qorsheeyeen, si wax looga qabto arrimahaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo Aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada Beeraha, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada Beeraha, kuwaasi oo Argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii Beeraleyda ahaa.

Sidaasi oo jirta ayaa Marka aad u fiirsatid Qoraalada ay siyaasiyiinta soo dhigaan Barahooda Bulshada sida facebook iyo Twitter(X),marka aad akhrisid ma jiraan wax aad ka faa’iideysid oo aan ka aheyn dhaliil, caay iyo dhibco raadis waxaane u sabab ah ineysan aheyn kuwa isku kalsoon, awoodina karin inay dalka Soomaaliya hogaamiyaan. Hadda waxa miiska saaran oo ay tahay in laga hadlo Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, in dadka loo sheego dawladihii uu soo maray dalka Soomaaliya ma samayneyso macna sidaas u buuran oo waa laga soo gudbay. Hadda waxa la joogo ayaa ah Dowladda Federaalka Soomaaliya  waxa ay rabtaa 2026-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, si looga gudbo doorashada dadban, waxaana kursiga ugu sarreeyo dalka u tartamaayo Laba Xisbi oo kaliya, waxaana meesha ka baxaayo Xilka Ra’iiysal Wasaaraha.

Taliskii Maxamed Siyaad Barre ma waxa uu ahaay mid shacabka soo doorteen, mase mid ku yimid Afgembi? Dowladda Federaalka Soomaaliya howsha ay rabto ma mid Afgembi ah baa, mase waa mid loo tartamaayo xilka Madaxweynaha?, halkaasi kala soo bax farqiga labada maamul ee aad qoorta isu geliseen, haddii aad tihiin siyaasiyiinta xil doonka ah.

Kuwa Mucaarado Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diideen Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, laakinse ma aysan soo bandhigin wax lagu bedeli karo midka ay diideen, halkaasi waxaa ka cad inay raali ku yihiin in Doorashada dadban dalka ka shaqeyso oo shacabku u afduubnaado afar oday aan weligood dhergayn. Dalka waa la wada leeyahay ee Mucaaradow waxa aad dadka u soo bandhigtiin waxa lagu bedeli karo Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada isku raaceen shacabkana u soo bandhigeen haddii aanad wax haynina iska raaca kuwa keenay fikirka lana wada howsha ay wadaan.

Haddaba iyadoo Dowladdu ku tilaabsatay horumarro kala duwan oo la taaban karo oo isugu jira xoreynta Dalka, dhameystirka Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta, dhammeystirka Dastuurka, jiheynta siyaasadda Dalka IWM, ayay koox danleey  lagu tilmaami karo ayaa beryahaan Baraha Bulshada wax ku xar xariiqayay, sidaasi awgeed ayaa waxaa jirta Murti Carbeed oo oraneysa Eeyuhu ka is qayliyaan Safarku wuu soconayaa   الكلاب تنبح والقافلة تسير , marka ha isla qeylieen safarka Dowladda wuu soconayaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Muqdisho (SONNA):-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan),…

February 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo New York kula kulmay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay

New York-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka…

GudahaWararka
September 24, 2024

Muxuu Danjire Ilyaas Cali Xasan kala hadlay Danjire Stephen Mbundi?

Muqdisho,(SONNA):- Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururla Bulshadda Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaaladda Dar es Salaam kula kulmay…

GudahaWararka
May 13, 2025

Safiir Ilyaas” Dalalka EAC waa in ay qaadaan xayiraadaha fiisaha iyo caqabadaha safarka ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed,”

Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay shirka 47-aad ee Golaha Wasiirada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha…

GudahaWararka
April 26, 2025

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Koonfur Galbeed oo shaaciyay iiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo Baraawe ka dhici doonta

SONNA (MUQDISHO)- Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Maamul-goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo…

GudahaWararka
February 5, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023