Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: ‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Ha iska qeyliyaan Safarku wuu soconayaa’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 21, 2023
8 Min Read
Share

Howlaha Dowladda ayaa si xowli ah u socda, ha ahaato dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta iyo dhameystirka Dastuurka Dalka oo la filayo inay soo dhammaadaan inta aan la gaarin sanadka cusub ee 2024-ka, sidaasi awgeed ayay Madaxda ugu sarreysa Dalka ay howlo shaqo ugu kala safreen Dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, kuwaasi oo kala leh ujeedooyin iyo muhiimado kala duwan oo dhammaantood is wada kaabaya oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Bey’adda sida Abaaraha, daadadka ka dhasha Roobabka iyo Fatahaadaha Webiyada Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada London kaga qeybgalay shirweynaha cunno yarida oo looga hadlayay sidii loo jaangoyn lahaa siyaasadda cuntada adduunka. Shirkaasi oo ay wada shir guddoomiyeen Dawladaha Soomaaliya iyo Ingiriisku ayaa waxaa isugu yimaadeen Dawlado, Ururo caalami ah, saynisyahano, Hey’ado iyo Ganacsato si looga arrinsado dhibaatada cunto yarida adduunka, isaga  oo hadal ka jeediyay madasha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo cunno yarida, isagoo sidoo kale sharraxay dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cunno yarida.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa u balanqaaday bulshada ku dhaqan gobolka Gedo in dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uga dhaqsiyaah badan dib ugu dhiseyso qaar ka mid ah Buundooyinka ku burburay Roobabkii ka da’ay gobolka, kadib Kulan uu la yeeshay madaxda dowlad gobaleedka Jubbaland, kan gobolka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda oo ka dhacay magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo, oo hadda wajahaya xaaladda adag, ka dib markii ay saameen ku yeesheen Roobabkii ka da’ay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo gaaray degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa ugu baaqay hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la garab istaago dadka ay saameeyeen Roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka Gedo, waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, maamulka Gobolka Gedo, maamullada degmooyinka iyo waxgaradka deegaanka ayaa soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee guud ahaan degmooyinka gobolka.

“Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka Roobka ee barakiciyay kumannaan qoys,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku tegay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa shalay kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaaladaasi,  iyadoo kadib kulanka laga soo saaray War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta”.  Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Beeraha ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhaftay in ay $100 Milyan ay arrintaasi u qorsheeyeen, si wax looga qabto arrimahaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo Aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada Beeraha, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada Beeraha, kuwaasi oo Argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii Beeraleyda ahaa.

Sidaasi oo jirta ayaa Marka aad u fiirsatid Qoraalada ay siyaasiyiinta soo dhigaan Barahooda Bulshada sida facebook iyo Twitter(X),marka aad akhrisid ma jiraan wax aad ka faa’iideysid oo aan ka aheyn dhaliil, caay iyo dhibco raadis waxaane u sabab ah ineysan aheyn kuwa isku kalsoon, awoodina karin inay dalka Soomaaliya hogaamiyaan. Hadda waxa miiska saaran oo ay tahay in laga hadlo Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, in dadka loo sheego dawladihii uu soo maray dalka Soomaaliya ma samayneyso macna sidaas u buuran oo waa laga soo gudbay. Hadda waxa la joogo ayaa ah Dowladda Federaalka Soomaaliya  waxa ay rabtaa 2026-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, si looga gudbo doorashada dadban, waxaana kursiga ugu sarreeyo dalka u tartamaayo Laba Xisbi oo kaliya, waxaana meesha ka baxaayo Xilka Ra’iiysal Wasaaraha.

Taliskii Maxamed Siyaad Barre ma waxa uu ahaay mid shacabka soo doorteen, mase mid ku yimid Afgembi? Dowladda Federaalka Soomaaliya howsha ay rabto ma mid Afgembi ah baa, mase waa mid loo tartamaayo xilka Madaxweynaha?, halkaasi kala soo bax farqiga labada maamul ee aad qoorta isu geliseen, haddii aad tihiin siyaasiyiinta xil doonka ah.

Kuwa Mucaarado Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diideen Go’aankii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka, laakinse ma aysan soo bandhigin wax lagu bedeli karo midka ay diideen, halkaasi waxaa ka cad inay raali ku yihiin in Doorashada dadban dalka ka shaqeyso oo shacabku u afduubnaado afar oday aan weligood dhergayn. Dalka waa la wada leeyahay ee Mucaaradow waxa aad dadka u soo bandhigtiin waxa lagu bedeli karo Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada isku raaceen shacabkana u soo bandhigeen haddii aanad wax haynina iska raaca kuwa keenay fikirka lana wada howsha ay wadaan.

Haddaba iyadoo Dowladdu ku tilaabsatay horumarro kala duwan oo la taaban karo oo isugu jira xoreynta Dalka, dhameystirka Deyn cafinta, qaadista Cuneqabateynta, dhammeystirka Dastuurka, jiheynta siyaasadda Dalka IWM, ayay koox danleey  lagu tilmaami karo ayaa beryahaan Baraha Bulshada wax ku xar xariiqayay, sidaasi awgeed ayaa waxaa jirta Murti Carbeed oo oraneysa Eeyuhu ka is qayliyaan Safarku wuu soconayaa   الكلاب تنبح والقافلة تسير , marka ha isla qeylieen safarka Dowladda wuu soconayaa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisulwasaare Rooble oo booqday xarumo ku yaalla degmada Balcad+Sawirro

Balcad-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga degmada Balcad ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo…

GudahaWararka
November 11, 2021

 AMISOM oo ka shiray dardargalinta dhanka hawlgallada ee Soomaaliya

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay…

Gudaha
August 28, 2021

Farriin digniin ah oo ku socota Deeganada uu maro Wabiga Shabeelle (WARBIXIN)

Inta aan u guda galin dulucda Warbixinta aan yara jaleecnno taariikhda Degmada Baardheere, Magaalada Baardheere waa magaalo aad u fac…

GudahaMaqaallada
March 27, 2023

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):'Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay…

GudahaWararka
April 29, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023