Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro
GudahaWararka

Heshiiska DFS,dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: August 21, 2020
5 Min Read
Share

Dhuusamareeb(SONNA) Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19 Ogoosto, 2020.

Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin.

Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

 

Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan.

 

Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses).

 

Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen:

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)
2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

SAXIIXAYASHA HESHIISKA DHUUSAMAREEB
1. Madaxweynaha Jamuuhiriyada Federalka Soomaaliya
Mudane: Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo_______________________
2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Mudane: Ahmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor_______________________
3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Mudane: Cabdicasiis Xasan Maxamed-Laftagaren ________________
4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Mudane: Maxamed Cabdi Waare __________________________
5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho
Mudane: Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ___________________

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa…

July 11, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo

Baydhabo (SONNA):Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah ee…

GudahaWararka
October 18, 2023

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo dilay 10 xubnood khawaarij ah

Bari(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hortegay weerar ay xalay dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta Daacish ku soo qaadeen difaaca…

GudahaWararka
May 3, 2025

Wafdi ka socda Baarlamanka federaalka Soomaaliya oo shir uga qaybgalaya dalka Angola

Luanda (SONNA): Xoghayaha guud ee golaha aqalka sare ee Baarlamaanka JFS mudane Cabdinasir Ibraahim Guuleed oo uu wehliyo xoghaye ku…

GudahaWararka
October 25, 2023

Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada oo gaaray Gedo

Sasraakiil ka socda maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa safar shaqo ku tagay degmada Doolow ee…

Gudaha
May 21, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023