Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Kaaliyaha arrimaha xalka waara ee dadka ku barakaca musiibooyinka u magacaabay Prof Maxamed Axmed Maxamed (Cadale).
Prof Cadale ayaa ah aqoonyahan ka soo shaqeeyay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo waaya-arag leh qibrad shaqo in ka badan 20 sano, wuxuu faham xooggan ka heystaa xaaladaha bulsho, wuxuuna aqoon sare u leeyahay xaaladaha gurmadka deg degga, maareynta musiibooyinka iyo kasoo kabashadooda.