Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo guda geli lahaa dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka ee cutubyada haray.
Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal, Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uga warbixiyay hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan ka howlgelidda cutubyada harsan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa guddiyada arrimaha dastuurka ee shaqadan wada ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan, waxayna kula dardaarmeen dardargelinta shaqada dib-u-eegista cutubyada harsan.