Guddoomiye ku xigeenkii Siyaasadda ee degmada Dayniile oo qarax argagixiso lagu dilay.

La wadaag cid kale

Muqdisho(SONNA):-Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha Siyaasadda ee degmada Dayniile ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray qarax  miino dhulka lagu aasay oo lagula eegtay Xaafada Daarasalaam, sida uu Warbaahnita Qaranka u xaqiijiyey Maamulka Degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Maxamuud ayey dhagarqabayaasha Argagixisada qarax miino kula eegteen xaafada daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahyd markii uu qarax noocan oo kale ah uu ka badbaaday xoghayaha Degmada Dayniile oo asagana lagula eegtay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Degmada Dayniile.

La wadaag cid kale