Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM
GudahaWararka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 29, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, Caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadantinimo, Fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sii si degdegga ah ee gargaarka loogu gaarsiin karo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Marwo Ugochi Daniels, oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan SoDMA, gaar ahaan isku dubaridka gurmadka degdegga ah ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira gudaha dalka. Waxay ballan qaaday in IOM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso SoDMA, ayna garab istaagi doonto howlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo xusay doorka muuqda ee ay IOM ka qaadato la tacaalidda xaaladaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan ugu jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysannahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadantinimo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay Safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sh, Cali Dhuxuloow, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda…

GudahaWararka
February 5, 2025

Guddoomiyaha Hey’adda maareynta musiibooyinka oo dalka Kenya kulamo kula yeeshay madax ka kala socda UK iyo Finland

Nairobi-(SONNA)-Intii lagu guda jiray shirka todobaadka Cimilada Afrika ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waftiga Hay’adda Maareynta Musiibooyinka…

GudahaWararka
September 9, 2023

Qaramada M. oo soo dhaweysay heshiiska ay gaareen hoggaamiyaasha Soomaalida

Muqdisho.(SONNA)...Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay go’aanka ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsan in labo bilood gudahood lagu qabto doorashada…

Gudaha
May 28, 2021

Guddoomiye Madaale” Shalay dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah “.

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan…

GudahaWararka
February 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023