Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
GudahaWararka

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

By Abdulkadir
Last updated: August 25, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen khubaro iyo mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ka jirta gobolka Awdal, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada, isla markaana ku sii fideysa deegaano hoos taga maamulka Puntland. Waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee lagu sameyn karo qorshe mideysan oo wax looga qaban karo xaaladda bani’aadantinimo.

Intii kulanka uu socday, dhinacyadu waxay isla garteen in la qabto shirweyne ballaaran oo ay ka soo qeyb geli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed, culimada, hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay (UN). Shirkan ayaa lagu xoojin doonaa wada shaqeynta bulshada Soomaaliyeed iyo iskaashiga beesha caalamka, si si hufan iyo waxtar leh wax looga qabto xaaladaha abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay isku keenida dhammaan qaybaha bulshada. Waxa uu carabka ku dhuftay in masiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah aan cid keli ah lagula tacaali karin, balse loo baahan yahay qorshe mideysan oo ay wadajir uga shaqeeyaan dowladda, bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka.

Sidoo kale, waxaa lagu dhawaaqay in Madasha Arrimaha Bini’aadantinimo, oo sanadkiiba saddex jeer la qabto, kulankeeda soo socda lagu qaban doono magaalada Jowhar, caasimadda maamulka Hirshabelle. Madashan ayaa noqon doonta fursad lagu mideeyo aragtiyaha iyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad buuxa, iyadoo dhinacyadii ka qeybgalay, oo ay ku jireen khubarada iyo mas’uuliyiinta lasocotay, ay isku raaceen in laga dhabeeyo dhammaan qodobadii lagu heshiiyay, si wax looga qabto xaaladaha abaarta iyo masiibooyinka kale ee ka jira gudaha Soomaaliya.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Turkiga” Israa’iil waxay dooneysaa in dagaalka Qaza uu ku fido gobolka

Hoggaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo taleefoon kula xiriiray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka Israa’iil ee hoggaamiyaha…

Caalamka
August 2, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaamiyeyaasha dalalka islaamka la wadaagay mowqifka Soomaaliya ee xaaladda Qasa

Riyaad-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga kaga qeyb-galay kulan degdeg ah oo…

GudahaWararka
November 11, 2023

Madaxweyne xasan sheekh oo ka qeyb galay caleemo-saarka madaxweynaha dalka Turkiga

Muqdiaho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib…

Wararka
June 4, 2023

Diyaaradaha isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo weeraray Yemen

Isbaheysiga uu hogaamiyo  Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023