Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
GudahaWararka

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 15, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho, Arbaco 15, March, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomin doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qeygalayaan madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkan oo ka dhacaya magaalada Baydhabo ayaa noqonayaa kii shannaad 9kii bilood ee la soo dhaafey.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara toddobaadkan wadahadal lagu xoojinayo xiriirka labada dal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in ilaa iyo toban kun oo macalimiin ay Dowladda Federaalka qoran doonto xilli uu furayey Shir Weynaha Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ethiopia u fadhin doona Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ku baaqey in la fududeeyo maamulka adeegga socdaalka xujeyda Soomaalida ee sannadkan.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

8- Aqalka Sare ee  Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Sharciga La Dagaalanka Argagixisada, Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Sharciga Aqoonsiga Dadweynaha iyo. Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

9- Hawgal ay wada fuliyeen Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka dhacay degaanka Miido ayaa waxaa lagu dilay tiro ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta.

10- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir looga hadlayey hirgelinta hannaanka casriga ee diiwaan gelinta ganacsiga.

11- Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa Muqdisho ka furay shirka saddex biloodlaha ee isku duwidda hawlaha caafimaadka Soomaaliya.

12- Shirkadda Diyaaradaha Fyl Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u bilowday duulimaad maalin walba ah oo ah Muqdisho iyo Dubai ah.

13- Wasaaradda Shaqada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay tirakoobka shaqaalaha rayidka ee dowladda.

14- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka fartey inay deg deg u fuliyaa go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

15- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Ahmed Firin ayaa magaalada Kismayo ku soo xisay shirka taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul-wasaara Khayre oo guddoomiyay shirka golaha wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo…

Wararka
September 9, 2019

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Muqdisho(SONNA)-Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda…

GudahaWararka
May 3, 2026

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday labo heshiis oo muhiim ah

Ankara(SONNA):- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin iyo wasiirka Cadaaladda Turkiga, mudane Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara…

GudahaWararka
December 12, 2024

Nugaal: Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegay in Shil gaar oo ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Salaamo iyo Libaaxo…

Gudaha
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023