Djibouti-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaraha ee Ambouli International Airport waxaa ku soo dhoweeyay dhiggiisaย dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Dilayta Maxamed Dileyta iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi.