Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay madaxa Xafiiska Siyaasadda (UNSOM) Mudane Fexton Matupa.
Guddoomiyaha iyo Mudane Fexton Matupa ayaa ka wada hadlay arrimaha dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed iyo guulaha la gaaray shirarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo.
Mudane Fexton Matupa, ayaa guddoomiyaha ugu hambalyeeyay sida hufnaanta leh uu ugu guulaystay wajiga 1aad ee shirka. Sidoo kale, Hayโadda Qaramada Midoobay ayaa garab istaag iyo taageero u muujisay sidii shirka uu guul ugu soo dhammaan lahaa.