Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed ee ka aragti duwan maamulka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa siyaasiyiinta warbixin ka dhageystay, taas oo ku aadan xaaladda deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisu taalo magalada Baydhabo.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ayaa isla gartay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo amniga deegaanka.