Muqdisho (SONNA)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
” Waxaan Ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay caalamka ka joogaan ugu hambalyeynayaa bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaan ugu baaqaya Shacabka Soomaaliyeed iney isku gargaaraan oo ay iscaawiyaan kana faa’iideystaan bishaan fadligeeda”.