Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hey’adda Tika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Zafer Eşki, iyaga oo kawada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta Caasimadda JFS.
Kulankan ayaa diirada lagu saaray qodobo ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, dardargalinta taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhismaha waddooyinka, shaqa abuurka dhallinyarada iyo tababarada farsamada gacanta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay hey’adda Tika doorka muuqda oo ay ka geesatay dib usoo kabashada Caasimadda iyo sida ay wali uga go’an tahay in sii wadaan taageeradooda la xariirta horumarinta magaalada, isaga oo intaa ku daray in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee caalamka.