Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Gudaha

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Kulane
Last updated: July 19, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho.SONNA…1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayey xakameynta iyo maareynta hubka dalka soo gala.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee La-Dagaalanka Lacag-Dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka Bandhigga Teknoolajiyadda Beeraha Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigayey caqabadaha beeraleyda dalkeenna haysta iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso kor u qaadidda wax-soosaarka iyo dalagyada beeraha dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.

5- Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud oo furay aqoon is-weydaarsi ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee bahda cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya.

6- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa kulan duco ah u qabatay Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo ahaa Wasiirkii Hore ee Arrimaga Dibedda ee Soomaaliya oo dhowaan geeriyooday.

7- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso mashruuc lagu tageerayo1 milyan oo barakacayaal ku nool gobolada dalka.

8- Wasiirka Gaashandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qaabilay Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga, iyagii ka wadahadley xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaddib bixitaanka Ciidamada ATMIS.

9- Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa qabatay shirka Bandhigga Teknoolojiyadda Beeraha Soomaaliya iyo Horumarintooda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyinka casriga ee la jaanqaadeya wax soo saarka dalagyadda beeraha.

10- Madaxweyna Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona magaalada Qaahira ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

11- Booliska oo ka warbixiyay qarax ay Khawaarijta ka geysteen maqaayadda Top Coffee ee magaalada Muqdisho oo lagu beegsadey dhalinyaro aan waxba galabsan oo daawanayey ciyaar kubadda cagta ah.

12- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsaneed Khawaarijta, kuwaas oo kooxda aragagaxisadda u qaabilsaneed dilalka qorshaysan.

13- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheeekh Muxyadiin ayaa isbitaalka ku booqday geesiyaasha ciidanka ee ku soo dhaawacmey dagaalka khawaarijtu dalka looga sifeynaayo.

14- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal milateri oo ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ku lagu laayay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta.

15- Ciidamada degaabka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah ku joogay deegaankaasi.

16- Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Khawaarijta ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen waddada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha golaha shacabka BFJS oo la kulmay Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha…

GudahaWararka
February 15, 2025

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Dhusamareb, SONNA — Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in abaarta ka jirta dalka ay si…

GudahaWararka
January 20, 2026

Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Badqabka Kalluunka oo ka furmaya magaalada Muqdisho

Shirka Daah-furka Dhismaha Guddiga Hubinta Tayada iyo Kormeerka Badqabka Kalluunka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa ka…

GudahaWararka
January 20, 2025

Guddiga doorashada K/galbeed oo shaaciyay liiska 13-ka kursi oo lagu dooran doono Baraawe

Muqdisho.(SONNA):- Guddiga hirgalinta doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay liiska kuraasta xildhibaanada golaha Shacabka ee deegaan doorashadooda tahay magaalada Baraawe…

GudahaWararka
January 29, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023