Muqdisho (SONNA) Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxda Wasaaradda, ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Mudane Daaโuud Aweys, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo masโuuliyiin kale.
Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) ayaa isbarasho madaxda Wasaaradda iyo guddiga, xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka kala warqaadasho.
Wasiir Daaโuud Aweys, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka ay diyaarinayaan, isagoo guddiga ugu mahadceliyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.
Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay suโaalo ku saabsan Shaqada Wasaaradda iyo xaalada guud ee wariyaasha Soomaaliyeed.