Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland
GudahaWararka

Golaha Ammaanka oo si wadajir ah u diiday Aqoonsiga Israa’iil sheegatay in ay siisay maamulka Somaliland

By SB
Last updated: December 30, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’i1l ee maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.
Intii uu socday kulanka degdegga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsigaasi uu gogol-xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana geeyo Geeska Afrika.

Kalfadhiga degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta aqoonsiga Israa’i1l siisay maamulka gooni-goosadka ah.
Inkasta oo ay arrintaasi keentay go’doomin diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israa’i1l ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku “uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka.”

Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,
Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo hadal ka jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Isra’i1l,isagoo carraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada ku teedsan Badda Cas.
Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israa’i1l ay ku doonayso in si qasab ah “dadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.”

“Xadgudubkan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah iyo akhlaaqda bani’aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Danjire Abuukar Daahir Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay “tallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee dadka Falastiiniyiinta, ama ka faa’iidaysiga dekedaha waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso saldhigyo ciidan.
Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid “sharci-darro ah” iyo “aad u halis badan,” isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.

Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing “ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ku-simaha wasiirka ganacsiga XFS oo xafiiskiisa kula kulmay safiirka dawladda Sweden ee Soomaaliya“sawirro”

Muqdisho (SONNA)-Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka…

Wararka
September 23, 2020

Wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle oo bulshada ugu baaqay inay qaataan tallooyinka dhaqaatiirta

Muqdish:(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada dowlad gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdi  Macailm Maxamed ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay qaataan…

Wararka
May 29, 2020

Dalal iyo Ururro Caalami ah oo si Adag uga Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Maamulka Somaliland

Muqdisho(SONNA):-Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid ah u muujiyay diidmo adag oo ka dhan ah aqoonsiga Israa’iil…

GudahaWararka
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo sheegay in toban kun oo macallimiin ah lagu biirin doontaa nidaamka waxbarasho ee dalka

Muqdisho.SONNA...Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee dhanka Waxbarashada ay tahay mid ahmiyad…

Gudaha
June 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023