Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaraxi Liido Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaasoo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray howlaha guddiga u qabsoomay ee lacag bixinta dhaawacyada kala duwan iyo dhagaysiga warbixinta xaaladda dhaawacyada iyo qorshaha xiga.
Sidoo kale Guddiga Gurmadka Qaraxii Liido ayaa maanta $13,147, oo loogu tala galay dadkii ku waxyeelloobay weerarkii Argagaxiso ee billowgii bishaan kala wareegay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen.