Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka ee qaraxi Liido, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqadir, ayaa shir guddoomiyay kulan uu guddigu ku yeeshay xarunta dhexe ee Hayโadda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hayโadda Md. Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah ayaa la isku af-gartay In ugu danbeyn dhammaadka bisha October la daah-furo xarunta daryeelka dhaawacyada u baahan gargaarka deg degga ah ee dhismaheedu ka socdo gudaha Isbitaal Madiina.
Guddigaan ayaa 41 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxiso ee horraantii bishan ku wajeejiyay min kun doolar ($1000), halka uu sidoo kale bixiyay lacagta ay soo dallacdeen Isbitaallada la tacaalay dadka waxyeelladu gaartay.
Ugu danbeyn, Guddiga ayaa ballan-qaaday in la kaalmeyn doono qoysaska ay ka baxeen dadka weerarka ku naf-waayay, marka ay xogto soo idlaato.