Muqdisho (SONNA)- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay doodda sedexaad ka yeeshaam Hindise Sharciyeedka Qareennada soomaaliyeed.
kulanka Golaha Shacabka ee manta ayaa la filayaa in ay guda galaan akhrinta sedexaad ee Hindse sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, iyagoo ku yeelan doono xarunta ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa.
Sidoo kale waxaa ajandaha ka mid ah Akhrinta warbixinta guddiga Dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.