Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM
    September 28, 2025
    Kulanka Hordhaca ah ee Yagleelidda Ururka Qiimeynta Soomaaliya
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Furihii xaqiijinta Amniga caasimadda (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Furihii xaqiijinta Amniga caasimadda (Warbixin).
Maqaallada

Furihii xaqiijinta Amniga caasimadda (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 22, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Muddo dheer magaalada Muqdisho waxay dhibane u ahayd dambiilayaasha Khawaarijta oo si kasta ugu qubeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Muqdisho waxay astaan u noqotay qaraxyo, dilal iyo weeraro toos iyo nooc kasta oo Khawaarijta ableyda ugu dooxaan shacabka Soomaaliyeed.

Iyada oo laga duulaayo muhiimadda ay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka u leedahay tayeynta amniga iyo howlgallada lagu tirtirayo khawaarijta ayaa waxaa dib u habeyn lagu sameeyay hay’adaha ammaanka.

” Amniga magaalada Muqdisho muhiim waaye,meesha dhabta ah ee dalka amni-daridiisa laga qiimeynayo Xamar waaye,waana sababtaas sababata ay Al-shabaab( argagixisada) ugu mashquuleen, furin la kala xoreysto Xamar Kuma taalo,kama dagaallamaan aag, dhul iyo xaafado ma qabsadaan,Soomaaliyeey caqliga hanoo soo noqdo oo miirka hanoo soo noqdo,”, ayuu yiri madaxweyaha JFS.

Markii ugu horeysay ayaa amniga Muqdisho loo sameeyay qorshe mideysan oo ay ku wada shaqeeyaan ciidanka Nabad-sugidda iyo Sordoonka Qaranka oo isugu jira labo nooc oo kala ah ciidanka muuqda iyo kuwa aan muuqan, ciidamada Booliska iyo ciidanka kale ee Boolis-Militaro.

” Guusha aan caawa ku naalooneyno waxaa keennay dhowr shey, ilaah baa keennay marka hore, hayeeshee, waxaa keennay oo Ilaahey sabab uga dhigay, horta marka koowaad siyaasad cad, annaga oo ka duuleyno aragtida madaxweynaha in ay  xukuumaddu dejiso siyaasad cad  oo amniga caasimadda lagu sugayo, siyaasad ficil ( action) ayaa loo beddelay waxaana hirgeliyay ciidamada amniga”, ayuu yiri RW Xamsa.

Qorshaha wadajirka ee amniga caasimadda, qeybsiga shaqada amniga,kullamada joogtada ah iyo wada shaqeynta dhow ee saraakiisha ciidamada iyo hoggaannada ciidanka ka dhaxeeyo ayaa saldhig u noqotay isbeddelka amniga caasimadda.

Inaan la isku haleyn shaqada amniga iyo in ciidanka kala duwan ay u shaqeeyaan sida hal ciidan oo leh hal taliye ma ahayn wax sahlan. Haddaba sidee ayay ku suurta gashay arrintan?.

” Runtii mar walba waa la wada shaqeyn jiray oo ciidamada wa wada shaqeyn jireen, laakiin hadafku unbaa kala duwana, sida aad la socotaan dalku dagaal ayuu ku jiraa,maaddaama dalku dagaal ku jiro Khawaarij lala dagaallamayo, meel ciidamadu qaranku kala tagaan oo kala duuntaan ma jirto, sidaas daraateed, waxaa la isku tolay in ciidamadu wada shaqeeyaan hal hadafna ay leeyihiin, hadafka la leeyahay waa in ay magaaladan noqoto amni, ay amni ka noqoto argagixisada ay amni ka noqoto maandooriyaha ay amni ka noqoto masuq maasuqa ay amni ka noqoto burcadda,” sidaas waxaa yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Wada shaqeynta hay’adaha amniga kalsooni buuxda gelisay shacabka, kuwaas oo ku dhiiraday in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan sidii dhagarta Al-shabaab looga hortagi lahaa.

” Anigoo ilmaheyga iyo gurigeyga iska dhex fadhiya oo gurigey la igu soo galo oo dhacdo meesha lagu fuliyo ciidan gurigeyg gadaashiisa uu fadhiyo, waxaan go’aan ku gaaray in ciidanka amniga waxba aysan gaarin oo aniga iyo ilmaheyg isku dhigno oo dhaawac uu na soo gaaro,” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed oo u bareertay in ay si cad uga hortimaado nabad-diidka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo aaminsan ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa maamadan hor istaagtay dhagarta Khawaarijta iyo dad kale oo badan waxay siisay abaalmarin lacageed si loo dhiira geliyo tallaabadan wanaagsan ay qaadeen.

” waxaana halkan runtii uga mahadcelinayaa walaashey Farxiyo oo Mujaahida ah oo diiday in Khawaarij ka tallaabo gurigeeda iyada oo dhowreysa walaalo amnigeeda sugaya in loo tallaabo Bambo la dhex dhigo ee meeshaas ku dhintaan waa ay diiday waxay ka doorbiday in ay ayada dhimayo oo walaashees Khadiijo oo mujaahidad ah meeshaas ku geeriyooto oo carruurteeda ku dhaawacmaan, waxaan leeyahay Farxiyo qarankaada taas waa kuu ogyahay, adiga, carruurtaada iyo ehelkaadaba waa daryeeleynaa, waanna idin ognahay kaalin qiimo iyo taariikh leh ayaad ka gashay xoreynta iyo soo celinta nabad galyada dalkaada”. ayuu yiri RW Xamsa.

Amniga caasimadda Muqdisho laga dareemay waxa uu ku yimid iskaashi amni oo dhexmaray hay’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u dulqaadan waayay gunaadka iyo dhagarta argagixisada oo aanay jirin cid ay u aaba-yeelayaan.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta XFS oo la kulmay wafdi ka socda Hay’adda IOM

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr.…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

‘Qarax ku gaad ayay is lahaayeen, iyagaasi ku go’ay’ (WARBIXIN)

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Khawaarijta ee…

GudahaMaqaalladaWargayska
September 13, 2023

Dagaal Ooge Abiy oo ku hor kufay Masraxa siyaasadda (WARBIXIN)

Inta aan u gudagalin mowduuca warbixinta aan marka hore jalleecno wareysiga uu Raiisul-wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac Axmed…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 21, 2024

XOG:Soomaaliya oo ka mid noqon karta 10-ka Dal ee ugu keydka Shidaalka badan Adduunka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Baytaktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si…

DhaqankaGudahaMaqaallada
November 20, 2024

‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)

Maxaa laga og yahay Khawaarij Yuusuf Sheekh Ciise Koba ku tukade? qormadaan waxaa ku eegeynaa Arxanlaawahii dilay xubna ka tirsan…

GudahaMaqaallada
April 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023