Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug
    July 12, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga
    July 11, 2025
    Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah
    July 11, 2025
    G/xigeenka aqalka Sare iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Khaatumo
    July 11, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay 13 Khawaarij ah
    July 11, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!
Maqaallada

Qaraxyada Shabaab qolona u gaar ma aha!!

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: April 3, 2021
4 Min Read
Share

Dad badan ayaa aaminsanaa in Shabaab ay raadsadaan dad gaar ah ama ay Qaraxyo la beegsadaan goobo cayiman. Inkasta oo hadda Shacabka Soomaaliyeed badankood ay fahmeen in shabaab ay ka go’an tahay xasuuqa Umadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, caruur iyo ciroole, haddana qaarkeen ayaa aaminsan in shabaab aanu dooneyn oo marka arimaha qaarkood aad kala hadasho ku oranaya “saaqaas ha i galin” imisa ayaanan saaq galin haddana saaq la’aan la xasuuqay?

Dib iila milicso qaraxyada Shabaab ay ku bar-tilmaameedsadeen maatada iyo indhaha Bulshada.

Caawa toddobadii fiidnimo waxa ay weerar ka geysteen isgoyska Saddexda geed ee Shangaani, waxaa ku dhintay Lix qof oo uu ku jiray canug yar. Isgoyskaas waxaa ku shaaxeyn jiray dhalinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan. Waxaa goobta ku shaaxeyn jiray dhalinyaro wax baratay oo badankood shaqo la’aan ah, kuwaa oo ka sheekeysta waqtiga iyo waayaha nolosha.

Waxaa ka sii horeeyay Qaraxii Maqaayadda Luul Yamani oo ah maqaayad ay ku caweyn jireen dhalinyaro aqoon yahano ah. Luul Yamani waxa ay aheyd maqaayad ay isku ballansadaan dadka Indhaha Bulshada ah maaddaama ay aheyd goob bilicdeedu wanaagsanayd, aadna loo habeeyay. Falkii isqarxinta ee ay ka fuliyeen naftood haligayaashu maqaayaddaas waxaa ku naf waayay labaatameeyo kuligood ahaa indhaha Bulshada.

Aqriste aniga uun yaanan kaaga sheekeyn qaraxyada calool taabadka ah ee ka dhacay dalkeena kuwaa oo aan ku weynay dad aanan mudneyn geerida ama ugu yaraan aan jecleen in intaa ka badan ay u noolaadaan dalkooda iyo dadkooda. Bal ilbiriqsiyo ka feker… dib u milicso qaraxyadii xad-dhaafka ahaa. Waan filayaa in aad xasuusatay hebel, hebelaayo iyo hebelo kale oo badan!!.

Khawaarijta Al Shabaab waxa ay dil la doonayaan aniga, adiga iyo dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Cidna uma kala soocna oo waxa ay si silac ah u dileen Hooyo miis la fadhiday khudaar si ay u maareyso nolosha ciyaalkeeda aanay u maqneyn cid aanan alle ka ahayn. Waxa ay sababeen in hilibkiisa la isku aruuriyo Aabe Soomaaliyeed oo bagaash jidka la dhinac fadhiyay si uu u shaqaysto risqi xalaal ah oo nolosha reerkiisa ku maareeyo.

Ma ilaawi karayo. kaligey ma aha ee adba waad ilaawi la’ dahay. Waxa aad si weyn oo uurku-taalo leh u xasuusataa Qaraxii dhamaadka sanadkii tagay ka dhacay maqaayadda Jalato davino, maya, malaha waxaa kaaga xanuun badanaa Qaraxii dhamaadka sanadkii ka horeeyay ee Isgoyska Ex-Contarool Afgooye kaa oo ay ku shahiideen Ubixii dalka ee Jaamacadda u kalahayay, mise waxa aad xasuustaa Qaraxii 14-Oktoobar ee Soobe? Malaha waxaa kaaga sii darnaa Qaraxii toban sanadood ka hor ahaa ee Hargaha iyo Saamaha kaa oo lagu xasuuqay boqolaal arday Jaamacado dalka Turkiga ah loo soo aqbalay? Shaamoow miyaad ilowday?

Haddii aan iraahdo waxa aan tirinayaa qaraxyadii ay shabaab inagu xasuuqeen tan iyo markii ay dalka ka bilowdeen tiro ma leh. Tiris qarax kama gaarno ee aan isla xisaabno Imisa ayey dhuumaaleysi ku dileen? Tan ayaaba ka daran ayaad is tiri sowma aha?

Midna xisaabi kari mayno saaxiib, waxaase hubaal ah in kuwaa iyo kuwo la mid ah ba ay ina soo mari doonaan inta aan caqliyaddii hore ku wajahayno Shabaab oo caqligoodu yahay daadinta dhiigeena.

Dadka inooga baxay gacanta argagixisadu waa Shuhado oo Alle ayaan uga rajaynayaa in uu Janadiisa Fardowso ku casuumo, laakiin anaga nool maxaa inoo qorshe ah? Ma dilka iyo duleynta Shabaab oo degdeg ku soo gabagabayn karo haddaan is garabsano ayaan sugnaa mise dhiig ayeynu isku yeelnaa oo Shabaab iyo Shabaab kalkaalba shiirkole ayeynu geynaa? Jawaabta waa adiga.

 

W/Q: Mohamed Abdikadir Socdaal

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadantinimo ee Galmudug

𝙈𝙪𝙦𝙙𝙞𝙨𝙝𝙤(SONNA):-Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA), Maxamuud…

July 12, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacady dhacdo xanuun badan, iyadoo inta la xaqiijiyay 27 qof ay ku dhinteen qarax…

GudahaMaqaallada
June 13, 2023

Khawaarij badan oo lagu dilay howlgallo dhowr meel ka dhacay (WARBIXIN)

Waxaa jirta in mar dhow uu dalka si rasmi ah uga billowdo Wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Kooxda…

GudahaMaqaallada
July 11, 2023

Dhacdadii 14kii Oktoobar oo Laba Gu’ Jirsatay.

Dunidaan aan ku nool nahay Waligeed dagaal waa ka dhici jiray, lamana arag xilli kaliya oo uusan dabka dagaallada shidnayn…

MaqaalladaWararka
October 14, 2019

 In ka badan 20 Degmo ayay El-nino saameysay (WARBIXIN)

Daadadka ka dhashay Roob xooggan iyo fatahaadda Webiyada dalka mara ayaa saameeyay deegaanno badan oo ka mid ah Gobolada Dalka…

GudahaMaqaallada
November 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023