Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 17, 2023
7 Min Read
Share

Ciidamadii tababarka ugu maqnaa Dalka Eretareeya ayaa qeyb ka mid ah soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana halkii ay ku soo degeen ugu tegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya, wuxuunaย  Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo shalay dib ugu soo laabtay Dalka, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalkooda ayaa ka kooban Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriyaย  iyo cutubyo sannadkan bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay difaca dalkooda, culeysna ku aheyd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba, waxayna dhankooda, Cutubyada soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay qoddobadda mudnaanta u leh Xukuumadda JFS ayaa heyโ€™adaha dowladda ku adkeeyey in ay xoogga saaraan ciribtirka khawaarijta, dhameystirka dastuurka, deyn cafinta iyo sidii dalkeenna looga qaadi lahaa cuna qabateynta hubka, isagoo sheegay in kobcinta aragtiyaha toolmoon ee dowlad dhiska iyo tayeynta fahamka lagu hoggaaminayo dowladnimada casriga ah ay jaangoyn doonto sidaan uga heshiinno arrimaheenna siyaasadeed, si jiilasha soo socdo loogu horseedo dhabbo cusub oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeediyey shirka khibrad & aqoon Is-weydaarsiga Istaraatijiyadeed ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya si looga heshiiyo arrimaha aas aasiga u ah dowlad dhiskeenna.

Beryahaan waxaa soo badanaya barnaamijyo ay Dhallinyarada Gobolka Banaadir ku nool ay ku soo bandhigayaan mashruuc ay ugu magac dareen GUUL ama Geeri, iyadoo shacuurtooda ku soo bandhigayay sida ay diyaarka ugu yihiin ka qebyqaadashada dadaalka ay dowladdu ugu jirto la dagaalanka kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxaana ka qeybqaadanaya Kooxo Fanaaniin ah oo saran gaari lagu soo xardhay sawirada Ciidamada Qaranka.

โ€œMUQDISHO tii hore ma ahan, dhallinyaradaan dareenkooda diidmada Khawaarijta cabiraysana ma ahan kuwo la soo abaabulay ama lacag lagu soo baxshay ee waa kuwo dareenkooda iyo Kacdoonka dalka ka socda ay hagayaan. Tani waa fariin MUQDISHO u dirayso haraadiga Khawaarijta iyo in xasuuqii 14 oktoobar ee arxandarrada ahaa oo kale uusan aheyn Mid si fudud lagu ilaawi karoโ€, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi. Wasiirku waxaa kaloo uu hadalkiisa sii raaciyay in Dhallinyarada MUQDISHO fursadda ay heystaan ee ah in ay garab istaagaan dadaalada dawladda Soomaaliya ay ku ciribtirayso Khawaarijta, si loo gaaro xasiloono iyo nabad suurtagalisa in Dhallinyaradu helaan wax badan oo ay hadda tabayaan.

โ€˜Guul ama Geeriโ€™, waa b arnaamij ay soo qabanqaabiyeen Dhallinuayarada ku dhaqan Magaalada ย Muqdisho, waana xaqiiqada Xamar taalla, waa Dareenka Dadkeenna iyo Dagaalka suulinta Khawaarijta, waxaa isna Bartiisa Mareegta Face Book-ga soo dhigay qoraal uu ku cabirayo waxa hada ka socda Magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Waraafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay โ€˜ama Khawaarij muuqda ahoow ama Aff iyo Awlaad Khawaarij ahoow ee Waagu waa soo baryay. Waayuhuna waa is badaleen Waqtiguna kuuma wacna. Hadda Dadkeenu waa mid Dabka kor u sita oo idinku gubaya iyo mid Geesigaas garab iyo guubaabo u ahโ€™.

Waxaa kaloo uu Wasiir ku xigeenku qoraalkiisa ku si xusay โ€˜Shacabkeennna Sharafta badanoow mahadsanidiin, waxa inoo haray waa iska maalmo kooban. Si aan u dhamaystirno suulinta nooc kasta oo Khawaarij iyo Maqaar Khawaarij ahba, waxaan u baahanahay in aan sii xoojino dhiiranaanta, Adkaysiga, isku duubnaanta iyo Alle kaalmaysigaโ€™. โ€˜Allaah ayaan uga mahdinaynaa baraarugga Bulshadeenna halkaan soo gaarsiiyay. Dhamaanteen aan xusuusnaano in aan Mahad oo dhan u celino Allaah Subxaanahu watacaalla oo guusha iyo garashada ina siiyay, ka dibna aan oogno baryadiisa iyo in uu Nasriga inoo dhamaystiro. Alloow adigaย  ayay mahad kuu sugnaatayโ€™, ayuu qoraalkiisa ku soo khatimay Mudane Cadaala.

Magaalada Muqdisho ayaa yeelatay muuqaal yididiilo leh, taasi oo ka turjumeysa sida Dadka ku dhaqan ay ugu dhiiradeen in iyagoo aan la abaabul isu soo baxaan, ammaankoodana cidna ay ilaalineyn, kulana kala goosha Waddooyinka Magaalada goor habeen ah, waxaana arrintaasi isna qoraal mareegta Face Book-ga uu ku leeyahay ku qoray Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye qoraalkaan, โ€˜Sidaan hore wax badan u sheegay waxaan aaminsanahay in sida keliya ee Khawaarijta looga cidhib-tiri karo Soomaaliya in ay tahay dedaalka Dawladda oo lagu daro kacdoon shacab. Taariikhda inta la ogyahay ilaa xornimada ka hor, isbedel kasta oo micno leh oo Soomaaliya ka dhacay wuxuu ku yimid kacdoon shacab.

Waxaan amaanayaa kacdoonka Guul ama geeri ee Dhallinyarada reer Muqdisho mar kale ku baaqeen iyo dareenka wadaniyada leh ee Dhallinyarada, Madaxweynaha, Raโ€™iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiiradu dhiigooda ugu deeqeen Ciidanka geesiyaasha ah ee ku soo dhaawacma dagaalka. Waxaan soo Jeedinayaa:- 1. In Kacdoonka Shacabka loo sameeyo qorshe iyo gudiyo ay hogaaminayaan dad aqoon u leh sida loo maamulo kacdoonada Shacabka.

  1. In dhammaan masuuliyiinta Dawladda sida Golaha Wasiirada, Barlamaanka, Shaqaalaha Dawladda iyo Shacabku jidka maanta la furay raacaan oo dhiigooda ku deeqaan ilaa Ciidanku ka dhaho intaas baa naga badanโ€™.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray baarkin cusub oo uu…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Ku-biirista Soomaaliya ee IMSO

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay u mahadcelinaysaa Golaha Wasiirrada oo maanta meel-mariyeen Istiraatiijiyadda Qaran ee Dekadaha (2025) iyo Xeerka…

GudahaWararka
November 20, 2025

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay dadaalka dowladda ee dhameystirka dastuurka

Muqdisho-(SONNA)-Beesha Caalamka oo si wayn u soo dhowaysay dadaalka Dowladda FS ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad…

GudahaWararka
March 31, 2024

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hayโ€™adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo…

GudahaWararka
June 22, 2025

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame” Khawaarijtu qeyb ayay ka yihiin kororka abaarta ka jirta dalka,”

Muqdisho.(SONNA):- Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlay warbaahinta…

GudahaWararka
March 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023