Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 10, 2024
6 Min Read
Share

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada dhammaadka sanadkan. 1-dii Agoosto, Midowga Afrika waxa ay qaateen fikrad istiraatijiyadeed oo ku saabsan howlgallada loogu talagalay Taageerada iyo Xasilinta Howlgalka Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaaday 12-kii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

“Howlgalka dabagalka ah wuxuu yeelan doonaa ilaa 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qeybood oo juquraafi ahaan ah,” sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee madaxa banaan ee Warbixinta Golaha Ammaanka. “Howlgalka waxa uu howlgeli doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-deeda, 2025-ka, waxaana si tartiib tartiib ah uu u wareejin doonaa mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada amniga Soomaaliya, shaqaalahoodana ay kala bixi doonaan dhammaadka 2028-ka.”

Hadafka cusub ee amniga ayaa ka dhigan sii wadidda waajibaadka ATMIS. AUSSOM waxay mudnaan siin doontaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee Al-Shabaab, Tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya, iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta. Howlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay ku beddelaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo ATMIS ka mid ahaa.  Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka saarayso Askarta Itoobiyaanka ah, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya qorshaha gelitaanka Badda Cas ee Itoobiya, kaasi oo  ay wada galeen  Is-afgarad beenaadka dhex maray Abiy iyo Muuse Biixi, sida ay qortay Africa Defense Forum (ADF) ee Taliska Gaashaandhigga Maraykanka.

“Haddii Itoobiya ay ka bixi waydo heshiiskii [Heshiiskii Is-afgaradka] ee ay la gashay maamulka Somaliland, ciidamadeedu kama qeyb ka noqon doonaan howlgalka soo socda,” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho 22-kii Agoosto. “Haddii ay sii jiraan, ma hoos imaan doonto waajibaadka Midowga Afrika.” Masar ayaa la sheegay in ay ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalkii ATMIS ee Soomaaliya, sidaasi waxaa shaaciyay Midowga Afrika, iyadoo ay War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalkan, waxaana dalalka kale ee Qaaradda ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Dadka dhaliila sida Suleymaan Walhad oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in Midowga Afrika aysan abbaarin xalka Soomaaliya, “Ma ahan run in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye, si ay isu xaqiijiyaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku qoray qoraal 9-kii Agoosto ee bogga wararka ee Eurasia Review. “Waxay u baahan tahay hannaan dib-u-heshiisiin qaran iyo in qabaa’ilkeedu ay nabad ku wada gaaraan.” Geesta kale, Fauziya Ali, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka u dooda haweenka ee ammaanka caalamiga ah ee Geeska Afrika, ayaa aaminsan in habka Midowga Afrika uu u horumarayo uu yahay mid hab wanaagsan.

“Howlgalkan cusub wuxuu ballan-qaadayaa hab isku-dhafan oo dhammaystiran oo ku aaddan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayay ku qortay maqaal 27-kii bishii Agoosto ee shabakadda gobolka DiploBrief. “Waxaa looga gol leeyahay in lagu dhiso guulihii ay gaareen AMISOM iyo ATMIS, iyadoo la xalinayo khaladaadkii la ogaaday intii lagu jiray marxaladda kala guurka ee hadda la soo gabagabeeyay. “Daneeyayaasha Soomaaliyeed waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan qaabeynta istiraatiijiyadda howlgalka, hubinta in ay la jaan-qaado waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka iyo in ay kobciso xasilloonida muddada fog ee Qaranka dhibaataysan,” ayay sii raacisay.

“Hamiga siyaasadeed ee ku xeeran kala-guurka si joogto ah isuma barbar dhigin xaqiiqooyinka dhabta ah, ka dibna sababa dib u dhac,” Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika ah oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa u sheegay wargeyska The East African bartamihii bishii Luulyo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa 22-xarumood kala wareegay ATMIS, waxaana dib u soo ceshaday dhulalka qaar, balse Maxamuud ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in loo baahan yahay waqti dheeri ah, si loo sii horumariyo laamaha amniga Soomaaliya.

“Waxay u badan tahay in Soomaaliya ay wali u baahan doonto kaalmo ciidamo shisheeye ah ugu yaraan labada sano ee soo socota, si looga fogaado khalkhal amni,” ayuu ku daray Mahamuod. Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in kadib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada Xoogga Dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday Beesha Caalamka in kor loo qaado taageeridda dowladda Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Sheikh Maxamed Bin Zaayid

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal…

GudahaWararka
February 2, 2022

Hantidowraha Guud ee Qaranka oo shir caalami ah kaga qeyb galay Sacuudi Carabiya

Muqdisho,(SONNA):- Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 15-aad ee Golaha Guud ee Ururka Hantidhowrrada Carabta…

GudahaWararka
December 7, 2025

Munaasabadda 12-ka April ee aas-aaska CXD oo ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga

Munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April ayaa hadda ka socota xarunta Wasaaradda…

GudahaWararka
April 12, 2026

Wasiirka Qoyska oo daahfurtay ololaha 16-ka Maalmood ee la dagaallanka tacadiyada loo geysto Haweenka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga…

GudahaWararka
November 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023