Dh/mareeb-(SONNA)- Wasiir Kuxigeenka waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Qaliif ayaa maanta si rasmi ah u furay Dugsi Hoose/Dhexe oo laga hirgaliyay Deegaanka Afweyn ee Gobolka Galgaduud.
Xaruntaan waxbarasho oo ay hirgalisay mu’asasada Baxru-nuur ayaa noqonaysa mid fursad Waxbarasho u abuuraysa dadka ku nool qaybo ka mid ah miyiga fog ee Magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabada furitaanka Goobtaan waxbarasho waxaa ka qayb galay Masuuliyiin ka tirsan baxru-nuur, guddoomiyaha caasimadda iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.