Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 12, 2025
6 Min Read
Share

Iyadoo shalay galabta uu Madaxweynaha Soomaaliya DR: Xasan Sheekh uu gaaray dalka Itoobiya, ayaa waxaa isla shalay War murtiyeed laga soo saaray shirka Guddiga isku dhafka ee Isbaheysiga Seddex geesoodka ee Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya, Eritrea iyo Masar oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Seddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka, waxayna Seddexda Wasiir ay soo dhoweeyay horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga dalalkooda si loo gaaro amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sidoo kale Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda, waxaa kaloo ay ka wada hadleen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Ugu dambeyn Eritrea iyo Soomaaliya ayaa waxay taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani, waxaana la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka seddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, waxay kaloo ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeynta Seddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga Seddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada addis Ababa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku tegay magaalada Addis-ababa ee cariga  itoobiya, iyadoo Labada hoggaamiye ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Madaxda laba dal ayaa soo saaray War-saxaafadeed, waxayna Hoggaamiyeyaasha isku raaceen in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya, iyada oo loo marayo dib u howlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay adkeeyeen in xasilloonida gobalka ay aas aas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal, iyadoo ugu danbayntii, waxa ay Madaxdu waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha diploomaasiyadda caalamka ayaa tibaaxaya “Nin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.” iyagoo ku tilmaamay soo dhaweynta loogu sameeyay Madaxeynaha Soomaaliya, “Soo dhoweynta noocana waligeed Madaxwayne Soomaaliyeed looguma samaynin Taariikhda inta la ogyahay. Meel walba Caalanka Soomaaliyeed iyo Sawirada Madaxwaynaha Jamuuriyadda Soomaaliya ku dhaggan dhammaan faras magaalaha Addis Ababa.

Marka Dadka wax taxliiliya ayaa qaba “In saas loo soo dhoweeyo, iyadoo waliba magaalada Qaahira ee dalka Masar ay shalay heshiis ay kala sixiixdaan wadamada Soomaaliya, Masar iyo Eretareeya, waxaa sababay guushii uu Madaxweyne Xassan Sheikh ka gaaray dagaalkii diblomaasiyadeed ee innaga iyo Ethiopia innaga dhex qarxay 1-dii Janaayo ee sanadkii tegay. Ethiopia way ka noqotay heshiiskii laab-la-kaca ahaa, waxayna diyaar u tahay in ay Soomaaliya ixtiraamto, sida ku cad War-saxaafadeedka”. Haddaba sow ma oran karno Dowladda Soomaaliya ayaa gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed.

 

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS “Si aan shisheeye inoo soo faragelin,waa in aan annagu leenahay go’aanka arrimaheena”+sawirro

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasabad casho sharaf ah oo uu ku…

GudahaWararka
September 19, 2020

Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo kormeeray xabsiga dhexe

Muqdisho (SONNA): Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gpbolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee…

GudahaWararka
August 27, 2024

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga

Muqdisho,(SONNNA):- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Burhan Aadan Cumar ayaa Xoghayaha Guud ee Guddiga Madaxabannaan ee…

GudahaWararka
September 14, 2023

Guddoomiye Sheekh Aadan oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha Tariikhiga ah ee dalka looga qaaday Cunaqabteynta hubka

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku…

GudahaWararka
December 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023