Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dowladda Soomaaliya oo gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 12, 2025
6 Min Read
Share

Iyadoo shalay galabta uu Madaxweynaha Soomaaliya DR: Xasan Sheekh uu gaaray dalka Itoobiya, ayaa waxaa isla shalay War murtiyeed laga soo saaray shirka Guddiga isku dhafka ee Isbaheysiga Seddex geesoodka ee Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya, Eritrea iyo Masar oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Seddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay tillaabooyinka fulineed ee loo cuskaday awaamiirtii saddexda hoggaamiye ee ka soo baxay shirkii Asmara, si kor loogu qaado ammaanka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas, iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalalka gobolka, iyada oo la raacayo qaab-dhismeedka xeerarka iyo xeerarka sharciga caalamiga ah, iyo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka, waxayna Seddexda Wasiir ay soo dhoweeyay horumarka laga gaaray xoojinta iskaashiga dalalkooda si loo gaaro amniga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin iskaashiga ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dadaallada nabad ilaalinta iyo nabadeynta Soomaaliya, iyo ka qeybgalka Masar ee taageerada Midowga Afrika iyo Hawlgalka Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Sidoo kale Saddexda Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayeynta hay’adaha dowladda Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan ciribtirka argagixisada, in la gaarsiiyo gacan ku haynta guud ahaan dhulkeeda, iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa awoodda dowladda ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda, waxaa kaloo ay ka wada hadleen isbedellada ka socda gobolka, gaar ahaan xaaladda Suudaan iyo saamaynta gobolka, iskaashiga dalalka ku teedsan badda cas, xaaladda Soomaaliya iyo sii wadida xiriirka diblomaasiyadeed ee saddexda dal.

Ugu dambeyn Eritrea iyo Soomaaliya ayaa waxay taageereen musharraxa Masar oo tartamaa xilka Agaasimaha Guud ee UNESCO, Dr. Khaled Al-Anani, waxaana la isku afgartay in kor loo qaado isku xirka iyo hagaajinta u diyaar garowga wareegga labaad ee shir madaxeedka seddex geesoodka ah ee Masar, Eritera iyo Soomaaliya, waxay kaloo ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeynta Seddex-geesoodka ah, iyadoo kulanka xiga ee guddiga Seddex-geesoodka ah lagu qaban doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay magaalada addis Ababa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku tegay magaalada Addis-ababa ee cariga  itoobiya, iyadoo Labada hoggaamiye ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Madaxda laba dal ayaa soo saaray War-saxaafadeed, waxayna Hoggaamiyeyaasha isku raaceen in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya, iyada oo loo marayo dib u howlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay adkeeyeen in xasilloonida gobalka ay aas aas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal, iyadoo ugu danbayntii, waxa ay Madaxdu waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaasi.

Dadka falanqeeya arrimaha diploomaasiyadda caalamka ayaa tibaaxaya “Nin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.” iyagoo ku tilmaamay soo dhaweynta loogu sameeyay Madaxeynaha Soomaaliya, “Soo dhoweynta noocana waligeed Madaxwayne Soomaaliyeed looguma samaynin Taariikhda inta la ogyahay. Meel walba Caalanka Soomaaliyeed iyo Sawirada Madaxwaynaha Jamuuriyadda Soomaaliya ku dhaggan dhammaan faras magaalaha Addis Ababa.

Marka Dadka wax taxliiliya ayaa qaba “In saas loo soo dhoweeyo, iyadoo waliba magaalada Qaahira ee dalka Masar ay shalay heshiis ay kala sixiixdaan wadamada Soomaaliya, Masar iyo Eretareeya, waxaa sababay guushii uu Madaxweyne Xassan Sheikh ka gaaray dagaalkii diblomaasiyadeed ee innaga iyo Ethiopia innaga dhex qarxay 1-dii Janaayo ee sanadkii tegay. Ethiopia way ka noqotay heshiiskii laab-la-kaca ahaa, waxayna diyaar u tahay in ay Soomaaliya ixtiraamto, sida ku cad War-saxaafadeedka”. Haddaba sow ma oran karno Dowladda Soomaaliya ayaa gaartay Qaan-gaar Siyaasadeed.

 

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗿𝗱𝗮𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗼𝗯𝗼𝗰𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo…

GudahaWararka
May 18, 2023

RW ku-xigeenka dalka “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

Muqdisho,(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad…

GudahaWararka
August 12, 2025

Horjooge sare kana tirsan Khawaarijta oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay duleedka Buur-Hakaba

Muqdisho(SONNA):-Ciidamadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed ayaa shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buur-Helede oo degmada…

GudahaWararka
December 4, 2024

Wasaaradda warfaafinta oo soo gabangabaysay tababar ku saabsan maareynta qataraha baraha bulshada

Muqdisho (SONNA): Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay kulanka Wadatashiga…

GudahaWararka
July 7, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023