Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
GudahaWararka

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 23, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay afduubka iyo xad gudubka lagu sameeyey markabka SEA WORLD, kaas oo wata calanka Jasiiradda Comoros.

War-saxaafadee ay soo saartay dowladda ayaa lagu sheegay in markabku uu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnadduna ay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda Dalka iyo kuwa caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka laga soo tago qalabka ciidan markabku uu siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

“Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Sida ku cad Xeerarka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS) ee 1982, Falkasta oo lagu afduubto markab ganacsi ama mid si sharci ah oggolaansho uga haysta Dowlad, waxay hoos imaanayaan qeexitaanka burcad-badeednimo, waana dembi ciqaabeed, si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed”.

Dowladda Federaalka Soomaaliya:

1. Waxay dalbaneysaa in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

2. Waxay uga digeysaa Puntland sii socoshada dhammaan hawlgallada sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha ku aaddan maamulkeeda, isla markaana ugu baaqaysaa in ay kala shaqeeyso Dowladda Federaalka, xaqiijinta marin ammaan ah oo fududeeya Isku socodka maraakiibta ku shaqeysa oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.

3. Waxay caddeyneysaa in ay ka go’antahay ka hortaga falalka burcad badeednimo iyo maxkamadaynta shaqsiyaadka iyo kooxaha ku lugta leh burcad-badeednimada, iyadoo la raacayo xeerarka ciqaabta qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Dowladda Federaalka, oo ah ilaaliyaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, marnaba ma aqbali doonto tallaabo kasta oo halis gelinaysa madax-bannaanida qaranka iyo amniga badda.

Sii heysashada sharci darrada ah ee markabka SEA WORLD, waxay horseedeysaa in Dowladda Federaalka ah ay tallaabo amni oo sharciga waafaqsan ka qaado goobaha iyo furdooyinka xuddunta u noqda falal burcad-badeednimo oo liddi ku ah xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah. Tilaabooyinkaas oo ay ku hubinayso amniga maraakiibta sida sharciga ah ku maraya badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ugu baaqeysaa dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, oo ay ku jirto Puntland, in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha difaaca iyo maareynta bad-maaxidda, faragelin kasta oo aan sharci ahayn waxay halis gelinaysaa amniga qaranka iyo midka gobolka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar kamid ah culimadda Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad firin ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo…

GudahaWararka
May 25, 2024

Maraykanka oo diiday warbixin Amnesty International ay ka soo saartay xasuuqa Gaza

Mareykanka ayaa diiday warbixin ay soo saareen hey’adda xuquuqul insaanka ee  Amnesty International ,taas oo sheegtay in ay jiraan caddeeymo…

Caalamka
December 6, 2024

Wasiirka amniga XFS oo xarigga ka jaray dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miina baarista Boliiska

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Miina baarista ee…

GudahaWararka
April 30, 2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay Imtixaanka macallimiinta ee qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada

Muqdisho(SONNA):-Raiisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah u furay imtixaanka macalimiinta cusub ee u tartamayo seddex…

GudahaWararka
February 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023