Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda oo dib u habayn ku samaynaysa qaadashada Baasaboorka shaqaalaha iyo kan diblomaasiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda oo dib u habayn ku samaynaysa qaadashada Baasaboorka shaqaalaha iyo kan diblomaasiga
GudahaWararka

Dowladda oo dib u habayn ku samaynaysa qaadashada Baasaboorka shaqaalaha iyo kan diblomaasiga

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: May 27, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saciid Maxamed, oo uu kala hadlay istiraatiijiyado sare u qaadaya isku-xirnaanta, wadashaqaynta iyo dardargelinta dadaalka wadajirka ah ee lagu fududeynayo bixinta adeegyo u qalma muwaadiniinta.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida maamulka baasaboorrada dowladda si gaar ah baasaboorrada shaqaalaha (service) iyo diblomaasiga (diplomatic), iyo suuragelnimada in hab dijitaal oo casri ah si wadajir ah labada dhinac ugala socon karaan shixnadaha baasaboor kahor daabacaaddooda.

Kulanka ayaa lagu gaaray go’aan muhiim ah oo ah in si kumeel-gaar ah (KMG) loo hakiyo soo saaridda baasaboorka shaqaalaha ee loo yaqaan adeegga muddo ku siman seddex bilood. Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay dejinta iyo fududeynta tub la isku raacsanyahay oo lagu hago soo saaridda baasaboorka iyo xoojinta daahfurnaanta. Waxaa sidoo kale awoodda maamul ee oggolaanshaha soo saaridda baasaboorrada shaqaalaha loo wareejiyay Xafiiska Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, halkii hore uu ka maamuli jiray Agaasimaha Waaxda Qunsuliyadaha ee Wasaaradda, taasi oo tilmaan u ah dib u habaynta nidaamka istiraatiijiyadeed ee mas’uuliyadaha maamulka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ka howlgalidda iyo la falgalka dalabaadka baasaboorrada ee ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo buuxinaya dhammaan shuruudaha , lana dedejiyo daabicidda baasaboorrada si looga fogaado dib u dhac iyo habac ku yimaada shaqada.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shacabka degmada Marka oo soo dhoweeyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho.(SONNA):- Shacabka ku nool  magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa taageeray holwlgallada ka dhanka khawaarijta ee ka socda…

GudahaWararka
January 8, 2023

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo bayaan wada jir ah soo saaray

Muqdisho-(SONNA)-Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa lagu qeexay Geeddi socodka howlaha kala…

GudahaWararka
February 10, 2022

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐮 𝐝𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐬𝐥𝐮𝐮𝐛𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

Muqdisho.(SONNA):- Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii…

GudahaWararka
February 22, 2025

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane…

GudahaWararka
November 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023