Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka go’an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka go’an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka go’an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 5, 2023
8 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ayaa howgallo ballaaran ka wada gobollada dalka ee ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, kuwaasi oo lagu dilay Khawaarij badan, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen Deegaanno ka tirsan Gobolada Bay, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaana ka xusi karnaa kii qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaaye ee gobolka Baay, kaasi oo lagu burburiyo goobo lacago baad ah Khawaarijta ay ugu qaadi jireen dadka shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey) ayaa sheegay in maleshiyadda Khawaarijta looga burburiyay goobo ay lacago Baad ah ay ka qaadayeen Shacabka oo u dhaxeysa degaannada Moodo – Moodo iyo Daynuunay ee Gobalka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal kale oo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana sidaasi Warbaahinta la wadaagay Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar), isagoo intaasi raaciyay in howlgalka ay ku bur-buriyeen xarunta diiwaangelinta khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah kaga qaadi jireen Shacabka ku dhaqan gobolka Baay.

Deegaano ka tirsan gobolka Baay iyo guud ahaan dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socdo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga dalka iyo Xoogagga Deegaanka ayaa howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan,  iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Khawaarijta ay yaalaan Waddooyinka, iyadoo Deegaannadii jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ay shalay loogu tegay meydad cadowgu ka cararay, waxayna Ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga.

Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta. Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tegay goobihii cadowga lagu jabiyay, waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha Qaranka beegsiga Khawaarijta.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo Wasaaradda, sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo faah-faahin dheeri ah looga bixiyay howgalkii ka dhacay gobolka Hiiraan ee lagu dilay Khawaarijta badan.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay Tuuladaan, islamarkaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa”. Ayuu lagu daray qoraalka wasaaradda Warfaafinta.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan Khawaarij baxsad ah, kuwaasi oo ka bad-baaday howlgalka duqeyn ahaa oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad. Taliyaha ururka 183aad Guutada 18aad Gorgor Mohamed Ali Helowle ayaa Howlgal nadiifin ah ka wada  Deeganka Beeri yabaal Ilaa iyo Buuraha Jiciboow, waxaana howlkalgaasi lagu dilay Dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta .

Dhinaca Galguduudna wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal lagu dilay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu SONNA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Cabdi, waxaana howlgalkan fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,  kaasi oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Taliyaha Macawisleyda Degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Cabdi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daa’uud oo khawaarijta u qaabilsan degmadaasi iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana ay ka furteen Kooxdii meesha loogu tegay Hub iyo Rasaas badan. Horjooge Saciid Daa’uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Cabdi in maalmo ka hor uu Degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis, kuwaas ka mid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa Degmada Ceeldheer ka Afduubtay Wiil iyo Aabihiis oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed (Duceysane) oo ah Wiilka iyo Maxamed Cagod oo isna ah Aabaha Wiilka ayaa waxaa la sheegayaa in uu afduubka ka dambeeyay Horjooge Siciid Daa’uud oo ah Nin ay dhibaato badan ku qabaan dadka deegaanka Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wado gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70 dhagarqabeyaal ah.

Dhanka Mudugna, Abaanduulaha Guutada 18aad Kumaandooska Gor-gor G/Le Suul Nuuge iyo Saraakiil kalee ayaa waxay la hadleen islamarkaana waan waan ay dhex dhigeen Beelo wada dhashay oo walaalo iyo derisba ah, kuwaasi oo isku qabsaday baraak ay dhisteen, iyadoo dagaalka labadaasi beelood waxaa sabab u ah ayaa la leeyahay Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo markaasi doonaya dagaalka lagula jiro uu ka yaraado ama ay dhinac kale u weeciyaan. Khawarijta waxaa ku sii foorara dagaal culus oo dhan walba kaga socda, waxayna isku dayaan inay iska weeciyaan, laakiin taasi waxaa ka hor taga mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka oo is kaashanaya, taasina waxay muujinaysaa guul ay mar walba gaarayaan.

Wasiir Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay dadaal ugu jirto sidii loo xasillin lahaa Soomaaliya , Wasiirku waxa uu warkaasi sheegay kadib markii uu kula kulmay Magaalada Riyaad dhiggisa Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo booqasho ku jooga Dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka howlgalka Ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo hadda laga gaaray Guulo badan, inta dhimanna lagu wado in la soo afjaro dhawaan.

SONNA Editorial 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga la dagaallanka argagixisada

Ankara-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Turkiga mudane Yaşar Güler ayaa xarunta Wasaaradda Difaaca dalkaasi…

GudahaWararka
February 20, 2025

Liibaan Neeleey (Macawiisley) “Duur iyo deegaan meelkasta oo ay galaan Khawaarijta waan uga daba-tagaynaa”

Ceeldheer, (SONNA): Ciidamada deegaanka ee ku sugan koonfurta gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay in ay aad ugu niyad san yihiin dagaalka…

GudahaWararka
August 8, 2024

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi-(SONNA)-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa martigelisay xaflad lagu xusayey sanadguurada 64-aad ee kasoo wareegatay madax-bannaanida Soomaaliya. Munaasabaddan waxaa ka…

GudahaWararka
July 3, 2024

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo daahfuray Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed 

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Hal-abuurada Soomaaliyeed 2024. Wasiirka ayaa hoosta ka…

GudahaWararka
July 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023