Arbaco (SONNA): Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku martigelisay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka shirkadaha Soomaaliyeed iyo maalgashatada caalamiga ah ee dalka ka hawlgala.
In ka badan 100 ganacsato, maalgashato, saraakiil dowladeed iyo diblomaasiyiin ayaa ka qeyb galay kulanka, oo diiradda lagu saaray: Dardargelinta wadahadallada ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, Kordhinta wacyiga ganacsatada ee ku aaddan qaybaha dhaqaalaha ee mudnaanta leh, Sii xoojinta fulinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Horumarinta iskaashiga ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), oo kulanka soo xiray, ayaa hoosta ka xarriiqay in kororka maalgashiga shisheeye ee dalka uu caddeyn u yahay in jawiga maalgashigu soo hagaagayo, isla markaana isbeddellada dowladda ay miro-dhalayaan. Wuxuu ku baaqay in ganacsatada gudaha iyo dibaduba ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda si loo dar-dargeliyo fulinta NTP, loona gaaro horumar dhaqaale oo waara oo loo dhan yahay.
