Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka
    February 27, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Maxamuud Axmed (Saciid Sonna
    February 27, 2026
    Degmooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka Ramadaanka
    February 27, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo afur u sameeyay Danjirayaal iyo wakiillo kale
    February 27, 2026
    Xildhibaanadda labada aqal ee BJFS oo maanta ka dooday cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee dastuurka
    February 26, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta
GudahaMaqaalladaWararka

Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 5, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar gelineysa dagaalka ka dhanka Khawaarijta ah ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalkaas waxay qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafaya 10-kun oo askari, kuwaas oo isbeddel cusub dhaliyay, neecowda iyo nabadda ay dugsinayaan shacabka Soomaaliyeedna maanta Alle ka sokow igu sabab u ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay ujeedka qorista ciidankan cusub, diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo kaalinta saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka argagixisada lagu ciribtirayo.

“Tan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askari” ayuu yiri Wasiir Daa’ud Aweys.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu mahad ballaaran u jeedineyso shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bilwodeen howlgalladan sanadkii hore kaalin wax ku ool ah ka qaatay, walina hiil iyo hoo la garab taagan ciidamada xoogga Dalka oo iyagu ku dhiiraday in ay Khawaarijta awooddoodii deegaan iyo midkoodii Militari wiiqaan, wuxuuna wasiirki, si gaar ah u xusay kaalinta ciidanka mucaawisleydu ay ka geysteen guushii laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Culumada Soomaaliyeed ayuu xusay in ay horay u sheegeen sax ahaan-shaha in Dalka laga suuliyo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

” Waxaa dagaalka argagixisada naga taageeraya saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska ah, si gaar ah haddaan u xusno wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waa iyaguna kaalin ka geysanaya dalalka deriska ama safka hore la yiraahdo sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti,” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowladdiisu mudnaanta koowaad siineysa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta oo Shacabka Soomaaliyeed u diiday nabadda iyo horumarka adduunka intiisa kale ka socda, waxaana hadda muuqata inuu gabalkooda sii dhacayo Khawaarijta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga…

February 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League oo galabta lagu wado inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow.

Muqdisho(SONNA)-  Kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League ayaa galabta lagu wada inuu ka dhaco garoonka Eng Yariisow Stadium. Kooxaha…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Hay’adda SoDMA oo heshiis la saxiixatay Xarunta Khariidadeynta iyo Maareynta Kheyraadka ee RCMRD

Muqdisho, (SONNA): Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa maanta magaalada Muqdisho saxiixay heshiis muhiim ah…

GudahaWararka
September 20, 2024

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo ku dhawaaqay in Xujeydii ugu horaysa maanta dalka ka dhoofayaan

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah uu maanta…

GudahaWararka
June 3, 2023

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo gabagabo ku dhow

Dhuusamareeb-(SONNA)-Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug C/raxmnaan Macallim C/llaahi (Baaddiyoow), ayaa sheegay in uu gabogabo yahay shirkii ay isugu yimaadeen…

Wararka
September 15, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023