Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka
    April 23, 2026
    Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah
    April 23, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo meel-mariyey dhismaha xarunta adeegga Mideysan ee Halmeel
    April 23, 2026
    Xoojinta Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhanka Aqoonta iyo Cilmi-baarista
    April 23, 2026
    Safiir Maxamed Amiin iyo Guddoomiyaha Culimada Muslimiinta oo kulan muhiim ah ku yeeshay Sacuudiga
    April 23, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro
Wararka

Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 29, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Kullan la xiriira heerka howlgalka barnaamijka Baxnaano ee dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso bulshada nugul iyo saameynta uu ayaxa u geystay qoysaska Koonfur galbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo,kaddib markii uu galinkii dambe ee shalay gaaray Baydhabo sii hayaha wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa.

Kullanka ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Koonfur galbeed, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.

“Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed.

Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.

“Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.

Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda ilaalinta bulshada ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada,waxaa bishii April ka daah-furay muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul wasaare Xamse oo daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si…

April 23, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ganacsatadda Xoolaha oo diiday Lacago baad ah oo ay duldhigeen Al-shabaab

Ganacsatadda Xoolaha dhoofisa ayaa ku gacansayray lacago baad Kooxda Alshabaab ay ku sheegeen in neef kasta laga siiyo 18-doolar, taasoo…

Gudaha
April 2, 2021

Muhaajiriin Ku Dhimatay Xeebaha Dalka Liibiya

Ugu yaraan 45 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku dhimatay xeebaha dalka Libya, taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd oo sanadkan…

Wararka
August 20, 2020

Soomaaliya:Beesha Caalamka oo ka hadashay arimaha doorashooyinka,amniga iyo dhaqaalaha

wakiillo ka socda qaar ka mid ah dalaka daneeya arimaha Dalka Soomaaliya, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka…

Wararka
October 15, 2020

Ciidamada Booliska oo gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan kiis dil ah

Muqdisho,(SONNA):- Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku soo xiray, Shariif Maxamed Axmed oo ku…

GudahaWararka
May 26, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023