Muqdisho (SONNA): Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah.
Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.
Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.