Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah
    August 14, 2025
    R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika
    August 14, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo kulan gaar ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo Madaxda Bangiyada dalka
    August 14, 2025
    Madxda Maxkamadda Sare oo kulan muhiim ah la qaatay Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika
    August 14, 2025
    Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ku baaqay in la xoojiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta
    August 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Ruushka oo cambaareysay qorshaha cusub ee Israel ku qabsaneyso Gaza
    August 8, 2025
    Xildhibaanno ka socda JFS oo booqday xarunta seyniska iyo tiknolojiyadda ee China
    August 1, 2025
    Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay
    August 1, 2025
    Nidaamka Ka-hortagga Drone-ka ee Turkiga oo soo jiitay Indhaha Caalamka
    July 27, 2025
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
    โ€˜Kaarka Aqoonsiga waa dhowrista xogta, ammaanka iyo hufnaanta adeegyada dowladda (FAALLO)
    August 8, 2025
    70 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire
    August 6, 2025
    Sidee Isbeddelka Cimiladu u Hurinayaa Degganaansho La’aanta Geeska Afrika?
    July 29, 2025
    Soomaaliya iyo saameynta Isbedelka Cimilada
    August 1, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobi karo’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 8, 2024
9 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiligaan ku jirta Dagaal-Diblomaasiyadeed ugu adkaa intii ay xornimada Dalku heysatay, waxeyna wahajeysaa Ethiopia oo ay ka dhaxeyso Taariikh Dhul/dagaal oo soo tixnaa sanado badan, Maamulka Abiy ayaa muddo 7-sano xusul duub ugu jirtay sidii ay u heli laheyd Dekad ay Maamulato culeysyna ku saartay Maamuladii isaga dambeeyay inay oggolaadaan, iyadoo Maamulka Addis abeba uu Sanadahan kor u qaaday xusul duub ay ugu jiraan inay qeyb ka hesho Deegaanada ku teedsan Xeebaha Soomaaliya xoog iyo xeeladba, markii ay furi weysay Madaxda Dowlada Federaalka ayay u wareegsatay Maamulada Gobolada gaar ahaan Maamulka Somaliland, kana saxiixatay Qoraal Is-fahan, inkastoo uusan ku qancin Nidaamka Federaalka 33-sano sheeganaayay inuu ka goโ€™ay Dalka intiisa kale sifo aan sharci aheyn.

Markaasi kadib waxaa aad u kacay shucuuta Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdoodaba, waxaan a ay diidmo uga horyimaadeen waxa ay la soo dhoodhoobay, waxaa kaloo aad uga carooday Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyee kuwa Caalaamka, Wargeys ka soo baxa Dalka Masar ayaa qoraal uu qoray cinwaan uga dhigay (HA CAAWIN DUMINTA KACBADA)! Cilmi baaris hor u dhac ah ayaa lagu ogaaday in Xabashida khatar ku yihiin dhulka barakeysan oo ay ku jirto Kacbada ,taasina suuragal waxaa ka dhigi kara in ay helaan bad ay kaga duulaan Dhulka barakeysan, sida ย Casmara(Eretareeya) ama Badda Saylac (Soomaaliya), waxaa in dawladda Soomaaliyeed in ay ku darsato xisaabta in ay ku wargeliso dowladaha Masar iyo Sacuudiga khatarta amni ha ahaato mid qoomi iyo Diini ah ee laga filan karo arrinkaasi, xitaa amni qoomigii carbeed oo ay Soomaalidu ku jirto ayaa halis soo waajaheysaa, mar haddii ay Soomaalidu ku jirto jaamacada Carabta.

Haddaan dib u raad raacnno colaadda Soomaalida iyo Itoobiya ayaa waxaa jirtay in Ciidan saddex kun ahaa oo uu watey Xayle Salaase Aabihiis Ras Makonnen aya Soomalidu ka dhigtay waxay disho iyo dhaawacmay sannadkii 1897-kii sida uu waagaasi soo qoray Wargeyska New York Times oo ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa sidan u dhigay jumlo ka mid aheyd qoraalkiisa:

โ€œBenett Stanford, oo dhowaan ka soo laabtay socdaal uu ku tegey dhulka Soomaalida, waxa uu keenay war ku saabsan in la baabiโ€™iyay, dhammaadkii bishii Juun, ee sanadkii 1897-kii ciidan Xabashi ah oo ka koobnaa 3,000 oo Nin oo hoos imanayay taliyihii caanka ahaa ee Jen. Ras Mackonnen, kuwaasoo 69 nin oo kaliya ay ka baxsadeen, si ay warkaasi ama jabkooda cidohoodii ugu geeyaan.”

Marka Dad baa moodaya in xorriyadda iyo badda dheeri ay ciyaar ku timid, dadbaa u huray dhiigooda iyo maalkooda, waa in Jiilka hadda joogaa ay dhaxal u reebaan, sida ay iyagu noogu reebeen, โ€œKuwa aan taariikhda aqoon ayaa idin damaaciyay laakiin waad xusuusiseen reer Boorama. Ogaada Maanta waxaa gacantiina ku jirta oo aad matalaysaan Magaca iyo Sharafta Malaayiin dhimatay, Malaayiin nool iyo Malaayiin aan wali dhalanโ€, sidaasi waxaa yiri: Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala, โ€œDadkeenna Damiirkoodu ma dhiman. Halkaan waa Boorama, waxa ay Dadku isugu soo baxeen diidmada damaca Ethiopia. Dhul Dadkiisu sidaasi u soo jeedaan lama boobikaroโ€, ayuu sii raaciyay Mudane Cadaala.

Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa shalay dhigay bannaabax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee qeyb ka mid ah Badda JFS, Banaan-baxayaasha oo Bartamaha magaalada isugu yimid ayaa ku dhawaaqaya baddeenna iib mahan iyo erayo ka dhan ah Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliland, iyagooย  tilmaamay in heshiis beenaadkaas uusan marna suurahal ka aheyn in laga fuliyo dhulka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ka qaadatey is-afgaradkii dhaxmaray 1-dii bishan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland ee waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl, iyagoo Madaxweynaha JFS ku bogaadiyay dadaallada Diblomaasiyadeed ee uu ka sameeyay arintaan, taasoo keentay in dowlado iyo Ururo caalami ah oo badan ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda banaan-baxyo looga soo horjeedo damaca liita ee dowladda uu hoggaamiyaha ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, iyagoo sheegay in aysan ogaal doonin taako kamid ah dalka, waxayna dowladda ugu baaqeen inay raadiso dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya ku maqan.

Dhinaca kale Xisbiyayda mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Muuse Biixi Cabdl ugu baaqay in uu doorasho qabto loogana baahneyn xiligan waxkale, iyadoo dhanka kale Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo shalay ku shiray magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeedย ย  ku baaqeen in deg deg doorashada maamulkaas la qabto.

Haddaan u nimaadnno Wararkii ugu dambeeyay, Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo shalay shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed, waxayna bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya, islamarkaana waxay baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku raadinayso in ay ku boobto qeyb ka mid ah Badda iyo dhulka Soomaaliya.โ€œAnagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada Gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiyaโ€ ayuu yiri Xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo Warbaahinta u Akhrinayay warka ka soo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.ย  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka Ubadka iyo jiritaanka dalka. โ€œHeshiis beenaadkii 1-dii bishaan ka dhacay Addis Abba, waxa uu ahaa duulaan lagu soo qaaday dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya la yiraah, jiritaanka iyo qabka qofka soomaliga meel walba uu jogaa lagu soo duulay, ma ahan dadka Waqooyiga ama Koonfurta ku nool, waa jiritaanka qod walba oo Soomaali ah lagu soo duulayโ€ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

โ€œXasan Sheekh Maxamuudaa la i yiraahdaa, waana la I yaaqaan dhul Soomaaliyeed kama gor-gortamo, xukun kuma doorto, waxaan ku doorsanayo majiraan, kuwa naga dambeeyo Alle haka haayo, oo talada Alle noogu ma dhiibo kuwa masaalix adduunyo wax lamid ah ku badalanayaโ€ ayuu yiri Madaxweyne Xasan, isagoo ka hadlay aqoonsiga Muuse Biixi sheegay in ay Itoobiya siineyso ayuu sheegay in taasi waxba ka jirin oo aysan waxba u tarin, loona sheegay mala awaal waxba ka jirin.

โ€œHadday idin dhahdo waan idin aqoonsanay waxba idiin ma taro, dhulka yuusan idin dhaafin, oo sabab ha u noqonina taariikh xun ha ku galinina, dhulkan waa dhulkii ay awoowyaashiina ay diideen in naag umul ku dhasha oo cunug ajanabi ah ku dhasho uu wax ku sheegtoโ€ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Masjidka Shuhadada.

By: C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Sadex kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta oo saaka lagu fuliyay dil toogasho ah

Qaar kamd ah ciidanka qaranka ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay sadex kamid ah…

August 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wabiga Shabeelle ee ku fatahay degmada Jalalaqsi oo xaalad go’doon ah geliyay (Warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- Jalalaqsi, waxay ka mid tahay degmooyinka uhu qadiimsan gobolka Hiiraan, waxayna ku taala degmadu cirifka Koonfureed gobolka dhaca bartamaha…

GudahaWararka
December 11, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo nuqul kamid ah waraaqahaa Aqoonsiga danjirinimo ka guddoomay Safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay…

GudahaWararka
February 5, 2023

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug oo qaabilay Ergeyga Cusub ee QM

Dhuusamarreeb(SONNA):-Madaxweynaha Dowladd gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb kusoo dhaweeyay ergeyga cusub ee…

GudahaWararka
July 15, 2023

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo Digniin kasoo saartay xilliga bad-xiranka

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu wargelineysaa ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka…

GudahaWararka
May 26, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023