Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 26, 2023
6 Min Read
Share

Soomaaliya seddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray., waxaynka kala yihiin:-

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga aheyd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, wxuuna ku dhisnaa nidaam Xisbiyo badan, taasi waxaa afgambiyay Askarta.

2-Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo  ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey, waayo waxay ku dhisneyd xukun Millitari oo ku dhisnaa cadaadis shacab.

3- Jamhuuriyadda Seddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti  waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay. Marka hadda ayaa waxaa la doonayaa in markii 4-aad ay Soomaaliya yeelato Daastuur dhameystiran, islamarkaana uu ka baxo qabyo qoraalka, waxna laga bedelo ee la socon karin geeddi socdka siyaasadda dalka, lagula jaad qaadi karo caalamka intiisa kale, kaasi oo looga baxayo waxa hadda caalamku noo aqoonsan yahay ee ah habka ama qaabka loo yaqaan (Chapter7-ka).

Haddaba maqaal dheer uu qoray Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada JFS, Senator hore ee Aqalka Sare BFS-Xoghayihii Guddiga Dastuurka ayaa waxa uu ku leeyahay ‘Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib’.

“Soomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo sanadkii 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayay dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaasi’, ayuu ku xusay qoraalkiisa.

Dr: Xuseen Sh. Maxamuud waxa uu kaloo uu qoraalkiisa ku xusay in Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Balse waxa uu yiri:- “Nasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 Wasiir Dastuur, dhowr guddi Dastuur iyo ku dhawaad $100 Milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeen”. “Dastuurka KMG ee ay hadda hey’adaheena ku dhisan yihiin, 2012kii ayay ergo gaareysa 825 si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayey ee 9aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaado”.

Dr: Xuseen Shiikhn Maxamuud waxa uu qoraalkiisa ku soo qatimay “Guddoonka iyo Xubnaha BFS 11aad ee labada Aqal waxaa ay heystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG”.

“Shan himilo oo dalkeennu lahaa in uu xaqiijiyo sanadkaan waxaan ka gaarnay guulo wax ku ool ah. Waxaan ku guuleysannay ka mid noqoshada Dalladda bulshada bariga Afrika, Usbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa. Waxaa iyaguna meel wanaagsan maraya dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka Daatuurka”., sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud mar uu khudbad socotay 40 daqiiqo shalay ka jeediyay furitaanka Kalfahiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanaha oo soo hadal qaaday rajooyinka wanaagsan ee soo socda ayaa yiri:-  “Asbuuca ugu horreeya ee bisha Disimber dhammaadka sanadkan Cuneqabateynta Hubka ayaa Soomaaliya laga qaadayaa, 13-ka bisha Disemberna sidoo kale Deynta ayaa nagala cafinayaa, guulo waaweyn ayaa socda”.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay hiigsiyada Qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaasi oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada. “Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashay in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

Dhanka maaliyadda Dalka mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu ka yiri Mudane Xasan Shikh Maxamuud “Afartii bilood ee ugu dambeysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid howl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024-ka ay gaarto in ka badan hal Bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa”.

By: C/aahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo saartay war-saxaafadeed kaga soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed, waxaana ay…

GudahaWararka
October 21, 2021

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo qaabbilay saraakiil ka tirsan ciidamada Talyaaniga

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabbilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Carabinieri ee dowladda…

GudahaWararka
January 29, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay shirka Warbixinta Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah

Beijing, (SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee…

GudahaWararka
June 20, 2023

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda SoDMA

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay'adda ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda…

GudahaWararka
January 5, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023