Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dhammeystirka Dastuurku waa dhammeystirka Qarannimada (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 26, 2023
6 Min Read
Share

Soomaaliya seddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray., waxaynka kala yihiin:-

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga aheyd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, wxuuna ku dhisnaa nidaam Xisbiyo badan, taasi waxaa afgambiyay Askarta.

2-Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyoย  ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey, waayo waxay ku dhisneyd xukun Millitari oo ku dhisnaa cadaadis shacab.

3- Jamhuuriyadda Seddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuutiย  waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay. Marka hadda ayaa waxaa la doonayaa in markii 4-aad ay Soomaaliya yeelato Daastuur dhameystiran, islamarkaana uu ka baxo qabyo qoraalka, waxna laga bedelo ee la socon karin geeddi socdka siyaasadda dalka, lagula jaad qaadi karo caalamka intiisa kale, kaasi oo looga baxayo waxa hadda caalamku noo aqoonsan yahay ee ah habka ama qaabka loo yaqaan (Chapter7-ka).

Haddaba maqaal dheer uu qoray Dr. Hussein Sheikh Mohamud oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada JFS, Senator hore ee Aqalka Sare BFS-Xoghayihii Guddiga Dastuurka ayaa waxa uu ku leeyahay ‘Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG, Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib’.

โ€œSoomaaliya, burburka dawladnimadeeda ee dagaaladii sokeeye ka dib, laga soo bilaabo sanadkii 2000 waxaa ay ku jirtay dhismaha dawladnimo xooggan oo mar kale dib u hanata dhammaan adeegyada ay dawladi bixiso. 23 sano ka dib, waxaa ay Soomaaliya weli la halgameysaa heshiis inay ka gaarto dawladnimo la isla ogol yahay, dibna u soo celisa kalsoonidii iyo aaminaaddii lagu waayay dagaaladii sokeeye iyo wixii dhaliyay dagaaladaasiโ€™, ayuu ku xusay qoraalkiisa.

Dr: Xuseen Sh. Maxamuud waxa uu kaloo uu qoraalkiisa ku xusay in Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan. Muddadaas dawlad dhiska ay socotay, Soomaaliya waxaa ay yeelatay laba Axdi (Axdiga Qaran ee KMG-Carta iyo Axdiga Federaalka ee KMG- Mbagathi) iyo Dastuurka KMG ah ee hadda jira. Balse waxa uu yiri:- โ€œNasiib darro, lix Madaxweyne, lix Baarlamaan, 14 xukuumadood, 14 Wasiir Dastuur, dhowr guddi Dastuur iyo ku dhawaad $100 Milyan oo ku baxdey ka dib, weli Soomaaliya kuma guuleysan inay hesho Dastuur dhameystiran oo uu ansixiyay Baarlamaankeeda, daweynahana afti ku ogolaadeenโ€. โ€œDastuurka KMG ee ay hadda heyโ€™adaheena ku dhisan yihiin, 2012kii ayay ergo gaareysa 825 si KMG ugu ansixiyeen Muqdisho iyadoo loo ballamey in Baarlamaanka markaas la dhisayey ee 9aad (2012-2016) uu ansixiyo ka dibna afti dadweyne loo qaadoโ€.

Dr: Xuseen Shiikhn Maxamuud waxa uu qoraalkiisa ku soo qatimay โ€œGuddoonka iyo Xubnaha BFS 11aad ee labada Aqal waxaa ay heystaan maanta fursad gaar ah oo ay taariikhda baal dahab uga galaan, iyagoo aragti dheer ku fiirinaya danta guud ee mustaqbalka dalka iyo xasiloonidiisa iskuna dheeli-tiraya heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaran iyo doodaha ka soo horjeeda, balse aaney ogolaan isbaaro siyaasadeed oo ay isku dayayaan siyaasiin horey ugu soo fashilmey hoggaaminta dalka gaar ahaan dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMGโ€.

โ€œShan himilo oo dalkeennu lahaa in uu xaqiijiyo sanadkaan waxaan ka gaarnay guulo wax ku ool ah. Waxaan ku guuleysannay ka mid noqoshada Dalladda bulshada bariga Afrika, Usbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa. Waxaa iyaguna meel wanaagsan maraya dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka Daatuurkaโ€., sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud mar uu khudbad socotay 40 daqiiqo shalay ka jeediyay furitaanka Kalfahiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanaha oo soo hadal qaaday rajooyinka wanaagsan ee soo socda ayaa yiri:- ย โ€œAsbuuca ugu horreeya ee bisha Disimber dhammaadka sanadkan Cuneqabateynta Hubka ayaa Soomaaliya laga qaadayaa, 13-ka bisha Disemberna sidoo kale Deynta ayaa nagala cafinayaa, guulo waaweyn ayaa socdaโ€.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay hiigsiyada Qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaasi oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada. โ€œBaarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashay in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamishoโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

Dhanka maaliyadda Dalka mar uu ka hadlayay ayaa waxa uu ka yiri Mudane Xasan Shikh Maxamuud โ€œAfartii bilood ee ugu dambeysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid howl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024-ka ay gaarto in ka badan hal Bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaaโ€.

By: C/aahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

Baraawe-(SONNA)-Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro…

GudahaWararka
July 11, 2023

R/Wasaaraha XFS ooย Casho sharaf ku maamuusay Saraakiisha Turkiga ee saarnaa Markabka dagaal

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada…

GudahaWararka
April 24, 2024

Wasiirka Haweenka XFS oo la Kulantay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Norway

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka JFS Marwo Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa kulan kula yeelatay magaalada Oslo…

GudahaWararka
August 24, 2025

Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo markii u horreysay bixisay shahadaada Amniga diyaaradaha

Muqdisho(SONNA):-Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka shahaadada barnaamijka amniga…

GudahaWararka
November 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023