Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay’adaha ka shaqeeya gargaarka iyo mashaariicda kale inay si buuxda ugu soo guuraan dalka oo ay shaqada ka wadaan gudaha maadaama amnigu hagaagsan yahay.
Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga XFS , Maxamuud Cabdiraxmaan Beena beene oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo guurista hayโaduhu u leedahay dhowr faaโiido oo ay ka mid yihiin, inay usoo dhowaadaan dadka ay u shaqaynayaan , in ay u fududaaneyso ka dowlad ahaan la xisaabtanka hayโadaha iyo in ay shaqa abuurka dalka kor u qaadeyso.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirarka iyo tababarrada lagu qabanayo dalka dibeddiisa ay u baahan yihiin in lagu qabto gudaha dalka.
Wasiir Beena beene “Dowladda Soomaaliya marnaba ma ogolaaneysoย in shirarka Soomaaliya leedahay lagu qabto dalka dibaddiisa.