Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 7, 2024
8 Min Read
Share

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Sannadkii hore, Dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah inuu jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalkiisa “ Xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaamay “xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uuna ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya inay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si “loo xaqiijiyo nabad waarta.” “ Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada.

Taa maxaa xigay? Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. “Ma jirto cid awood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.” Tan iyo markii horrantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya.

Balse hadda waxaa soo yeeraya hadallo ka duwan sidii hore, iyadoo la soo warinayo in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu sheegay in Itoobiya aysan dooneyn dagaal ay la gasho Soomaaliya, halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale sheegay in aanay ogolaan doonin in qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato. “Uma maleynayo in dowladda Soomaaliya ay rabto inay isku dhacaan Itoobiya, sidaas ayaan qiyaasayaa.” Balse quwadaha daneynaya ayaa doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan gacmo ay ku adeegtaan, laakiin waxaasi nama qabtaan.

Abiy ayaa ku eedeeyay quwado uusan magacaabin in ay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula gali leheed Soomaaliya, wuxuu intaas ku daray: “ Xoogaga doonaya arrintaan waxaa laga yaabaa in ay saameeyaan walaalaheena Soomaaliya, sida ay haddaba warbaahinta ugu adeegsanayaan Walaalaheena qurbajoogta ah”, wuxuuna sheegay Abiye in dawladiisu aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Soomaaliya.  “Ma dooneyno inaan cidna wax ka qaadano. Ma dooneyno inaan taabano Madaxbanaanida cid kale”.

Abiy Ahmed oo aan soo hadal qaadin  Heshiis Beenaadkii dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi, kana muuqata inuu halkii hore ka dabacsan yahay “Soomaaliya waxaan nahay walaalo, dagaal in aan la galo diyaar uma ihi, waana jecelahay”, sidaasi waxa uu ka hor sheegay Baarlamaanka Dalkiisa, wuxuuna si weyn uga hadlay Soomaaliya waxaana ka muuqday in luuqaddiisa ka bedelan kuwiisii ugu dambeeyay ee uu mar walba ku hadaaqayay, wuxuuna yiri: “ Soomaaliya waxaan ka shaqeyn doonaa Amnigeeda, waxaana horumarin doonaan nabadgalyadeeda, Soomaaliya oo nabad noqota waa Itoobiya oo nabad noqo, Soomaaliya oo horumar gaarta waa Dalkeenna oo horumar gaaray, waxaannu ka shaqeyn doonaa Soomaaliya oo ah Dal barwaaqo ah oo ka faai’ideysta Badeecadaheenna ee ka dhoofaya Badaheeda.

Mr Abiy Axmed markaan waxa uu ku hadlayaa Luuqad jilicsan waxaana ka muuqaneysa is dhul dhig, isagoo mujinaya in xiisadda ka taagan Soomaaliya iyo Itoobiya loo qaboojin lahaa, marna kama soo hadlin arrinta is afgaradka 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan ee magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Muuse Biixi. Is afgaradkaasi oo ay Soomaalidu ay aad uga gilgatay, kuna timaantay in aan la aqbali karin, waxaana loo fasirtay in Itoobiya ay dooneyso Bad iyo Dhul Soonmaaliyeed inay qaadato, taasina waxay sababtay in xiriirkii labadaasi Dal uu hoos u dhaco, Soomaaliyana waxay u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Addis Ababa, Balse wax hadal ah kama uusan dhiiban arrinta in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland iyo in kale, iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan midna.

“Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa bedelay mowqifkii Abiy Axmed? ma waxaa ku yimid cadaadis Diplomasiyadeed oo la ogsoon yahay in goobo badan ama shirar badan looga guulestay, islamarkaana ay meelmar noqon weyday damaciisii helid marin Biyood wata Dhul, mise Soomaaliya ayaa noqotay Bir Lab adag oo la mari waayay?”, sidaasina waxaa qortay Wakaaladda Wararka Reuters.

” Itoobiya maanta haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay Berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”, sidaasi waxaa yiri : Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabad lagu qabtay Villa Soomaaliya ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiinayay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay ayaa ku dheeraaday damaca gurracan ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale ka oggolayn, isagoo xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maqnaa dhul, iyo dad Soomaaliyeed aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

“Itoobiya waxaan leennahay Guri Dariishad laga ma soo galee Irid baa laga gala ee soo mar dariiqa saxda ah, balse damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa ka soo hara oo dhan waa ka wada hadleynaa”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxeyn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana soo baxday dhaqankii derisnimo wadaagga.

Arrinta ka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wali wax xal ah laga gaarin, iyada oo wali laga war sugayo go’aanka ay ka soo saaraan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay Soomaaliya u gudbisay dacwad ka dhan ah Itoobiya, kana  codsatay in ay arrintaan ka fariistaan.

Dadka odorosa arrimaha Soomaaliya aadna ula socday Damaca Itoobiya ee ay ku dooneyso meel ay gaarto Bad ayaa kula talinaya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuusan marna la fariisan ama kulan la qaadan Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inta uu ka caddeynayo inuu ka laabtay damaciisa ahaa dooninta Bad iyo Dhul soomaaliyeed.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha doorashada

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg…

GudahaWararka
June 9, 2021

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha…

Gudaha
February 23, 2024

Taariikh Nololeedka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo maanta Muqdisho ku geeriyooday “AKHRISO”

Muqdisho (SONNA)-Waxaa maanta magaaladda Muqdisho ku  geeriyooday Alle ha u naxariistee rug-caddaagii Dublamaasiyadda, Ra'iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya,…

GudahaWararka
May 7, 2021

Madaxda Hirshabeelle oo wada dadaal lagu dhisayo buundo ay yeelato Buulo-burde

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle,Cabdi Daahir guurre iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maantay gaaray Degmada Buulo-burde ee Gobolka…

Gudaha
February 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023