Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaaย warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Burundi Ms. Evelyne Habonimana iyo Danjiraha Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat.
Wasiir Huruuse iyo Danjiraha cusub ee dalka Burundi ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.
Sidoo kale wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka dalka Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat, waxa ayna labada masโuul si kooban isula soo qaadeen Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada,ย Caafimaadka, Ganacsiga, Horumarinta xirfadaha iyo warshadaha yar yar ee cuntada iyo adeegyada kale lagu farsameeyo.
Soomaaliya iyo Thailand ayaa horay u lahaa xiriir diblomaasiyadeed, balse labada dawladood ma lahayn wax safiirro ah oo ay is dhaafsadeen wixii ka dammeeya 1991.