Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dagaal Ooge Abiy oo ku hor kufay Masraxa siyaasadda (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dagaal Ooge Abiy oo ku hor kufay Masraxa siyaasadda (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Dagaal Ooge Abiy oo ku hor kufay Masraxa siyaasadda (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 21, 2024
10 Min Read
Share

Inta aan u gudagalin mowduuca warbixinta aan marka hore jalleecno wareysiga uu Raiisul-wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac Axmed siiyay Telefishinka iyo Raadiyaha laga leeyahay Dalka Turkiye โ€˜TRTโ€™.

โ€œKowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soomaaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuumadda hadda jirta ee uu Raโ€™iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kaleโ€, ayuu yiri Mudane Saalax oo ah ย Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya.

Ugu horreyn Raโ€iisul wasaare xigeenka ayaa la weydiiyey in Somaliland xaq u leedahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale,ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn inay galaan heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qeyb ka tahay Soomaaliya, waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shacabka ku nool Geeska Afrika.

โ€œWaqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaqaalaha, is-dhexgalka dhaqaalaha, wanaagga bulshooyinkeenna, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku andacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan badda, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saameyn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,โ€ ayuu yirii DPM Saalax. Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah โ€˜dhaqanka masโ€™uuliyad darrada ahโ€™ ee madaxda Itoobiya.

Sidoo kale, mudane Saalax oo wax laga weydiiyay dagaallada ay kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhinaca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeesheen Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah eeย  Jaamacadda Carabtu ka yeeshay Arbacadii la soo dhaafay heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna tilmaamayย  in lagu lafa guray in goโ€™aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaray goโ€™aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageeray dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doontaย  tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ahย  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Jaamacadda Carabta ayaa soo saartay war murtiyeed luuqaddeedu uu aad u adkaa, marka la eeggo ereyada loo isticmalaan Diploomasiyadda, iyadoo looga hadlay damaca Guracan ee Itoobiya ku raadinayso qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saaray Qaraarka Number-kiisa yahay 8988, iyagoo isku raacay In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee Barriga, Badda iyo Cirka.

Ku darsoo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu wadamada uu saaxiibada la yahay la kaashanayo arrinta damaca Itoobiya Dhulka Soomaaliya, si ay uga horyimaadaan is-afgaradkii sharci-darrada lagu tilmaamay ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Golaha amniga iyo nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa isna muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbi karin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka, waxaa kale ee uu soo dhaweeyay Shirka Madaxda IGAD, kaasi oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.

In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna goโ€™doon gelinaysaa Itoobiya, waxaa kaloo cadeyn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso. Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato. Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah.

Waxaa jirta in Urarkii IGAD uu ahaa maqaayad ay leedahay Ethiopia oo markii ay ka weysay 1 dal oo ku tageersan boobka badaha Somalia ay iskaga carartay ka qeyb-galka Shirkii IGAD. Aby Ahmed waxa uu karaamada ka qaaday siyaasadii arimaha dibada Ethiopia oo mar aheyd hormuudka Diblumasiyada Bariga iyo Bartamaha Africa. Shirka Isagoo ka maqan ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed u quus goyn-doona damaciisa Caruurnimada ah. Hadii IGAD looga adkaado shaki kuma jiro in looga adkaan doono African Union iyo golaha Ammaan โ€œSecurity Councilโ€.

Dhammaan Ururada Caalamiga, kuwa goboleedka iyo dowladdu ayaa soo Soomaaliya u muujiyay is-barbar istaag, marka isku soo wada xooriyoo waxaa heshiis dhinac kasta ha ka yimaadee, waxaa wada gali kara laba dowladood, sida uu qabo qanuunka dowliga ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, marka yaan la isku daalin taasi, ee ha la iska difaaco damaca Itoobiya iyo kuwa soo hoggaaminiyaba.

Marka dagaal Ooge Abiy Dadkiisana uma roona Deriskana uma roona, waxa uuna u isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo biniโ€™aadantinimo oo baโ€™an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022-kii, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay.

Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka deg-degga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama deegaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga laheyn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.

Marka dagaal Ooge Abiy Ahmed sow lama oran karo waxa uu ku hor kufay Masraxa siyaasadda.

By C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey

Garbahaarey, (SONNA): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Booqday Maktabadda Degmada Garbahaarey. Garbahaarey, Gobolka…

GudahaWararka
January 2, 2025

Golaha Shacabka oo meel mariyey ku biirista Soomaliya ee EAC

Muqdisho(SONNA):-Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ( East African…

GudahaWararka
February 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Cadaaladda Soomaaliya

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya oo…

GudahaWararka
November 23, 2025

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (SONNA): Guddiga Qaran ee gurmadkaย  ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga…

GudahaWararka
July 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023