Luuq-(SONNA)-Saddex Qof ayaa ku geeriyootay Miyiga Magaalada Luuq, halka 120 kalena lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad, markii ay Saacadihii lasoo dhaafay ku sumoobeen Neef Geel ahaa oo ay Hibilkiisa cuneen.
Dadka geeriyooday ayaa isugu jiray Laba Carruur ah iyo Haweeneey, iyadoo Bukaanka kalena lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee Magaalada Luuq.
Dr; Cabdi Aadan Maxamed, Agaasimaha Isbitaalka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Gaadiidka gurmadka deg-degga ah u direen markii ay qeyladhaanta u timid, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay ugu jawaabeen baahidii taagnayd, waloow uu si aad ah ugu cawday Dawo yaraan.
Agaasimaha ayaa sheegay in Neefka ka hor inta aan la qalin uu ahaa mid xanuunsan, lana siiyay Dawo, lagana yaabo in ay qabatay Dadkii isticmaalay Hilibka.
โNeefka ay gowracdeen waa uu xanuunsanaa waxaana la siiyay Dawo inta aan la gowracin kadibna Dadkii cunay badi waa uu saameeyay, waxaa dhintay sadax ruux oo Laba Carruur tahay, 120 Qof oo kalana waa ay la xanuunsanayaan sida aan warbixinta ku helnayโ, ayuu yiri Dr;Cabdi Aadan.
Qaar ka mid ah Odayaasha degaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadani ay ugub ku tahay, dhaqaaatiirtana ay u sheegeen in Dadka ay ku sumoobeen Hilibka ay cuneen.