21-ka Febraayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (Warbixin)

La wadaag cid kale

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee ka tarjumaya aasaaska iyo jiritaanka dadka,isla markaana isku xira howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Haddaba,Taariikhda soo jireenka ah ee ku qoran ,keydadka qoraalada ee diiwaanka dunida, Waxay na barayaan in soo ifbixii diinta islaamka iyo ka horba ay jireen nidaam aasaasi ah oo fududeeyay in dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid isdhexgalba la sameeyaan dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba la wadaaga bulshada Soomaaliyeed.

Barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran farta Carabiga waxay dhalisay horumar kale oo loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed noqdaan kuwo ku miilmay Afka Soomaliga iyo in xilligaasi ay soo ifbaxaan dad badan oo Soomaali ah oo wax akhriya,waxna qora.

Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub, waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii  iftiinkii xornimada Soomaaliya.

In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.

Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qabqabsi u dhexeeyay guddigaasi oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha  farta ee la qaadanaayo.

Guddigaasi loo magacaabay qoraalka Farta,waxay kala ahaayeen;-

1-Muuse Xaaji Ismaacil Galaal-Guddoomiye.2-Yuusuf Maygaag Samatar-Xog-heyn.3-Xusein Sheekh Axmed (Kaddare).4-Yaasiin Cismaan Yuusuf.5-Maxamuud Saalax (Ladane.6-Ibraahim Xaashi Maxamuud.7-Mustaf Sheikh Xasan.8-Shire Jaamac Ahmed.iyo 9-Khaliif Suudi

Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa  la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana suurtagashay in la soo saaro 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale

Guddigaasi labaad waxay ahaayeen kuwo aqoon u leh suugaanta iyo qoraalka farta Laatiinka, waxayna kala ahaayeen:-

1-Shariif Saalax Maxamed Cali.2-Yaasiin Cismaan Kenadiid.3-Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.4-Xusein Sheikh Ahmed Kaddare.5-Aw Jaamac Cumar Ciise.6-C/laahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya).7-Maxamed Xaaji Xusein Sheeko Xariir.8- Mustaf Sheikh Hasan.9-Ahmed Ali Abokar

10-Yuusuf Xirsi Axmed.11-Cabdi Daahir Afeey.12-Cabdulaahi Xaaji Abuubakar.13-Cabdullaahi Ardeeye

14-Xasan Sheekh Muumin.15-Maxamed Nuur Caalin.16-Maxamed Xasan Aadan (Gaheyre).17-Xirsi Magan Ciise.18-Cumar Aw Nuux.19-Axmed Cartan Xaange.20-Cabdirahmaan Nuur Xirsi.21-Shire Jaamah Ahmed

Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo ka isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqalada iyo shibanayaasha.

21-kii  Jannaayo 1973dii,waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaaliya ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, isla markaana la helo Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado Dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid  manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.

Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka  ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo  Waxbarashada.

Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah in ,mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.

Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon  waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo Afka Hooyo.

Maanta oo ku beegan 21-ka Febraayo,waxaa Dalka Soomaaliya iyo caalamkaba laga xusay munaasabadda xuska maalinta Afka Hooyo oo qiimo gaar ah u leh qeybaha bulshada ee ku kala nool  Qaaradaha dunida.

Haddaba,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cismaan Abokor Dubbe,ayaa manta dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo,aawadeed u diray shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirku,waxa uu ka waramay ahmiyadda Afku u leeyahay umadda iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in cid kasta ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato horumarinta iyo ilaalinta Afka.

Mudane Dubbe,waxa uu ugu dambeyntii u rajeeyay shacbiga Soomaaliyeed,gaar ahaan shaqaalaha Wasaaradda warbaahinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska in sanadkan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

La wadaag cid kale