Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: ‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Dacwaddii Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: February 5, 2024
8 Min Read
Share

“Heshiiskii Dekadda Itoobiya iyo Somaliland oo isku diray Deriska”, sidaasi waxaa cinwaan uga dhigay Warbixin lagu qoray African Defense Forum ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Maraykanka. ‘waxaa bilowday hamiga Itoobiya ee ah in ay dib u soo ceshato marinka badda cas, waxa ayna isu rogtay khatar xoog ah oo ka dhan ah deriskeeda xeebaha leh dabayaaqadii 2023-kii, waxayna hadda sii hurinaysaa cabsida dagaal’.

‘Sannadkii hore, dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah’, sida lagu sheegay Warbixinta, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalkiisa “xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaamay “xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uuna ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya inay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si “loo xaqiijiyo nabad waarta.” “Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada, sida uu sheegay wargeyska The Nation ee Kenya.

“Tani waa warka wanaagsan ee aanu u gudbinayno dhammaan shacabka Itoobiya, Somaliland iyo dhammaan dadka nabadda iyo horumarka jecel,” ayuu Abiy ku yiri shir-jaraa’id oo uu TV-ga kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Heshiiskan oo socon doona 50 sano ayaa Somaliland ku kiraynaysaa 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, si ay u hesho deked iyo in ay saldhig ciidan ka samaysato. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay Somaliland siin doontaa saami aan la shaacin tirada ay ku yeelan doonto shirkaddeeda duulimaadka ee dawladdu maamusho.

Taa maxaa xigay? Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddiisaba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. “Ma jirto cid awood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.”

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Itoobiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry oo dalkiisu uu khilaaf xooggan ka dhexeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo xireenka Webiga Niil, ayaa sheegay in heshiiska Somaliland uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay Itoobiya ku tallaabsato hal dhinac oo aan tixgelinaynin danaha dawladaha Afrikaanka ah. “Waxay cadeysay aragtida Masar ee la xiriira saameynta siyaasadahani ku leeyihiin xasiloonida gobolka iyo kor u qaadista xiisadda ka dhex jirta waddamadeeda,” ayuu u sheegay wargeyska The National. “Itoobiya waxay noqotay isha qalalaasaha ka jira deegaanadeeda.”

“Xubnaha Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta waxaa u ololeyn doonaan dhammaan dhinacyada,  Markaa, waxay u badan tahay inay kor u kacdo isku-soo-bax siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo dhinac walba ah”, sida ay qortay ADF.

“waxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga”, sidaasi waxaa yiri: Wasiir dowlaha Amniga ee XFS Mudane Maxasmed Cali Xagaa, isaga oo ka qeybgalayay kulan looga soo horjeeday damac gurracan dowaldda Itoobiya ee baddeenna Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaliya aysan marnaba aqbali karin qaadashada iyo ku xadgubka qaranimad iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed,naftana loo horayo difaaca dalka.

Wasiira xagaa ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan gaar ahaan shacabka ku nool gobolada Waqooyi ugu baaqay in ay u midoobaan difaaca dalka,oo xadgudub qaawan ay ku soo sameeysay dowladda Itoobiya, wuxuuna ugu baaqay Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee Muusa Biixi inaan marnaba laga ogolaan doonin in uu bixiyo taako ka mid ah dhulka, leyskana cilin doono haddii Itoobiya isku daydo in ay u soo dhaqaado Badda Soomaaliyeed.

Tan iyo markii horrantii bishii koowaad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya.

Haddaba Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlaayay Dacwada ay Soomaaliya u gudbisay kuna aadan xadgudubka Midnimada Dhuleed/Xeebeed ee ay Dowlada Ethiopia, kadib markii ay heshiis is-Afgarad la yeelatay Maamulka gooni goosadka Somaliland, kaasoo u oggolaanayaa inay maamulato Xeebta Degmada Lughaya iyo ilaa Xuduuda labada Dal, “waxaana lagu soo waramayaa in kulankaan ay si gaar ah diiradda loogu saaray xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeeysa  Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo cirka isku sii shareeraysa loona baahan  yahay in marka hore ay raali gelin ka bixiso, kana laabto Heshiiska, Danjire Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Ethiopia ay ka codsatay Urur Goboleedka IGAD inay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay diiday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”, sida uu SONNA u sheegay Falanqeeye Ciise Xasan oo wax ka qora arrimaha Ammaanka.

“Golaha Amaanka waxay 29-kii bishii January ee la soo dhaafay qabteen shir cinwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulankaasi, si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faahfaahin ah kama uusan bixin go’aankoodu ku aadan Dacwada Soomaaliya, ku darsoo Ururka Goboleedka IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah isna kama soo saarin codsiga Ethiopia”, ayuu sii raaciyay Ciise Xasan.

Dhinaca kale Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa Jimcihii (February 2) kaga qeybgalay shirkii 3-aad ee Madasha Wasiirada ee Indo-Pacific ee Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxa uuna ku nuux nuuxsaday baahida loo qabo in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda Caalamiga ah, islamarkaana ay ilaaliso madax-banaanida dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, isagoo ku booriyay Maamulka Addis Ababa inay door wax ku ool ah ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira gobolka, halkii ay hurin laheyd xiisadaha cusub oo ay ka aloosto Bariga Afrika.

Ku darsoo La-taliyihii Arimaha Dibada Aby Ahmed ayaa magan-galyo siyasadeed waydiistay Belgium. La taliyaha Magaciisu waa Gedu Andargachew.Qabiilkiisu, waxa uuna ka soo jeedaa Qowmiyadda  Amaarxa, waxaa kaloo la sheegayaa inuu horay u soo noqday Madaxweynaha Kililka Amxaarada, balse waxa uu hadda ahaa la- taliye Sare oo Arrimaha dibadda kala taliya Raiisul-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed. Waxaa la is weydiinayaa in Abiy goorma ayuu isna magangalyo dalaban doonaa?, maadaama uu ku hor kufay fagaarayaasha siyaasadeed ee Caalamka iyo tan Ummadda Itoobiya.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Uganda tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga

Muqdisho(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special…

GudahaWararka
May 19, 2023

Taliyaha Booliska oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee…

GudahaWararka
October 2, 2024

Wasiirka Qoyska oo golaha Wasiiradda uga mahadcelisay mudo cusboonaysiinta Golaha Wasiiraddu u sameeyeen gudidda Naafada Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka…

GudahaWararka
January 23, 2025

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Riyadh uga qeyb galay shirka COP16

Riyadh(SONNA):-Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd…

GudahaWararka
December 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023