Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xoreeynta degaanka ayaa si buuxda u la wareegay gacan ku heynta degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka mudug
Wasaiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqadir Maxamed Nuur ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in Ciidamada dowladda iyo xoogagga kacdoonka dadweynaha ay goordhaw gudaha u galeeyn degmada Xarardheere halkaa oo khawaarijtu mudda ku dhibaateen jirtay dadka shacabka.
Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda degaanka ka wada howlgal lagu xaqiijinayo amniga degaanka,ma jirin wax iska hor imaad ah oo ciidamadu ay la kulmeen,kooxda khawaarijta ayaana marakay ogaadeen cududda ciidanka ee ku soo wajahan isaga baxay degamada Xarardheere Gobolka Mudug