Muqdisho:(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Taliyaha Ururka 143 Aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo hogaaminaayay hoowlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan nabadiidka Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.
Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidookale sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo bad baadiyeen Caruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada
Taliyaha oo ka hadlayay Caruurta ay Al-shabaab kasoo furteen tiradooda ayaa ku sheegay in ay Gaarayaan 40 isagoona xusay in nabadiidka ay Caruurtaan kasoo Afduubteen qaar ka mid ah Gobolada Dalka.