Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo nadiifin ah ka fuliyay dhulka howdka ah ee waqooyiga deegaanka Jabad-Godane, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qori iyo rasaas, kuwaas oo ay tuureen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo firxad ahaan uga cararay goobihii lagu baacsanayay.
Taliyaha Ururka 171-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Mustaf Cali (Timaha-Weyne), ayaa sheegay in ciidamadu ay weli howlgallo ka wadaan aaggaasi, isla markaana ay dhulka howdka ah ku arkayaan maydad iyo hub ay ka carareen maleeshiyaad ay Khawaarijtu marin-habaabisay.
