Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ciidanka Falastiin oo xiray siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Ciidanka Falastiin oo xiray siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka
Wararka

Ciidanka Falastiin oo xiray siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 22, 2020
2 Min Read
Share

Gaza (SONNA)- Xoogaga amniga Falastiin ayaa xirey tiro k amid ah taageerayaasha siyaasiga Falastiiniga ah ee dibad joog ah kuwaas oo lagu eedeeyey in ay Imaaraadka kala shaqeeyeen heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee dhowaan la saxiixay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdaas.

Siyaasiga Mohammed Daxlaan ayaa ku nool dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii laga musaafuriyey dhulka Isreal gumeysato ee Daanta Galbeed 2011, arrintaas oo timid markii si weyn isku khilaafeen Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo xisbigiisa Fatax oo Daxlaan xubin ka ahaa.

Dalalka khaliijka carabta ayaa dhawaan waxay heshiis la galeen qaarkood Isreal waxayna taasi abuurtay in Daxlaan lagu eedeeyo in uu arrintaas door ku leeyahay.
Kooxda Daxlaan ayaa dalalka Carabta ku dhaleeceysay xiriirka ay la yeesheen Isreal ka hor inta aan xal loo helin mushkuladda Falastiin, hase yeeshee ma uusan inkirin doorkiisa ku aadan arrintan socota.

Isniintii, laamaha amniga Falastiin ayaa xirey todobo kamid ah taageeriyaasha kooxda Maxamed Daxlaan, sida uu sheegay afhayeenka kooxdaas Imad Muxsin, waxaa uu intaas ku daray in xariga dadkan ay siyaasad ku lug leedahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Falastiin ayaa lagu sheegay in Xalabi laga soo xirey xaafada magaalada Nablus oo u dhow Daanta Galbeed, waxaana lagu sheegay bayaanka in talaabadan ay qeyb ka tahay soo celinta amarka iyo kala dambeynta degaanka.

Qoraalka laguma xusin magaca dadka kale oo la soo xirey, wasaaradda arrimaha gudaha Falastiina ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hadasho arrintan.
Madaxii hore ee ciidanka amniga jiidda Gaza, Daxlaan ayaa muddo dheer ahaa ninka la aaminsanaa in uu bedeli doono Maxamuud Cabbaas, xiriir weyn oo saaxiibtinimona la yeeshay Imaaraadka tan iyo intii uu musaafuris ahaan ugu noolaa wadankaas.

Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xiriri diplomaasiyadeed la saxiixday Isreal todobaadkii hore xaflad uu martigeliyay madaxweyne Trump.
Heshiiska wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo dhex mara dalalka Carabta qaarkood iyo Isreal muddo ka badan 20 sano, Falastiiniyiinta ayaa heshiiskaas ku tilmaamay khiyaano lagu sameeyay qadiyadda Falastiin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeer kutagay xarunta hubinta tayada dhismaha ee Gobalka Banaadir “SAWIRRO”

Muqdisho(SONNA)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta Dowladda hoose ee Xamar kuqaabilay…

GudahaWararka
July 25, 2021

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo la kulantay Ganacsatada, Ardayda, iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Guangzhou

Guangzhou, (SONNA):  Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman, ayaa toddobaadkan ku guda jirtay booqashooyin ay ku qiimeyneyso xaaladaha jaaliyadda…

GudahaWararka
December 19, 2024

Wasiirka Qoyska oo golaha Wasiiradda uga mahadcelisay mudo cusboonaysiinta Golaha Wasiiraddu u sameeyeen gudidda Naafada Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka…

GudahaWararka
January 23, 2025

Olole Nadaafadeed oo lagu xaqiijinayo bilicda caasimadda oo ka socda dagmooyin ka mid ah gobolka Banaadir+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha…

GudahaWararka
October 25, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023