Raaskambooni (SONNA): Boqolaal ka tirsan ciidan ka tirsanaa daraawiishta Jubaland oo maalmahan si isdaba joog ah ugu biirayey ciidanka xoogga dalka ayaa maanta diiwaangelintooda laga bilaabay deegaanka Raaskambooni, si ay u helaan xuquuqda ciidanka XDS.
Ciidamadan ayaa loo diray inay la dagaalamaan xoogga dalka, balse waxa ay qaateen inay diidaan danaha siyaasadeed ee looga horgeynayo dowladooda.
“Waxaan ka mid ahaa saraakiisha ka soo xarootay Jubaland ee loo soo diray inay calankooda xabadeeyaan, waa diidnay, go’aankeena maaha inaan calanka Soomaaliya xabadeyno, 14-sano ayaan u shaqaynayey Jubaland wax xuquuq ah ma lahayn” ayuu yiri Khadar Cali Ibraahim oo ka mid ah ciidamada maanta la diiwaangeliyey.
Tallaabadan ayaa ciidamo badan oo ka tirsanaa Jubaland ku dhiirigelisay inay diidaan u dagaalamidda dano siyaasadeed oo gaaban.