Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta
GudahaWararka

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

By Dahir Aadan Cali
Last updated: October 12, 2024
3 Min Read
Share
Muqdisho.(SONNA):- Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalka ka dhanka Khawaarijta oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe, Galguduud iyo gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada 14-ka iyo kuwa Gor Gor  oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgal ka fuliyeen deegaanno ku teedsan degmada Awdhiigle iyo Jannaale, halkaas oo Khawaarijta lagaga faramaroojiyay deegaanka Daarusalaam oo ay shacabka musliimta ku gumaadi jireen.
” Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka, waxay howlgallo barakeysan ka fuliyeen gobolladda Shabeellaha hoose, Dhexe iyo Galguduud, haddii aan ku hormaro gobolka Shabeellaha hoose guutada 14-ka October iyo Guutada 17-aad ee kumaandooska Gor Gor ee xoogga dalka oo iskaashanaayo ayaa waxay howlgal barakeysan ku sifeeyeen deegaannada xiriiriyo Awdhiigle iyo Jannaale, sidoo kale, waxay gacanta ku dhigeen Daarusalaam ee hoostagta degmada Awdhiigle,”.
Sidoo kale, howlgallada oo saf-ballaaran ku socday ayay ciidamada geesiyaasha waxay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, howlkaas oo Alle fadligii lagu khaarijiyay horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Al-shabaab.
”Shabeellaha Dhexe, haddii aan ku xijino deegaan lagu magacaabo Harqaboobe, waxay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 3-aad, qeybta 12-ka Aprill, Guutada 25-aad ee Cumar Bini Khadaab iyo ciidamada CDS qeybahooda kala duwan oo iskaashanaya waxay howlgal ka fuliyeen halkaas, waxayna ku khaarijiyeen dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab, waxaanna dhulka daadsan meydadkooda, ”.
Ciidamada xoogga dalka oo toddobaadyadii u dambeeyay waday howlgalo  guulo wax ku ool ah laga gaaray ayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed ku fara saaray deegaanka Waniile iyo deegaanno kale oo hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, halkaas oo Khawaarijta cashar lama ilaabaan ah loogu dhigay.
”Gobolka Galguduud, xadka xiriiriyo Shabeellaha dhexe iyo Galguduud, howlgalka barakeysan ayaa ka dhacay qeybta 21-aad ee ciidamada xoogga dalka, ciidamada Gor Gor iyo DANAB oo iskaashanaya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgal ka fulinayeen Waniile iyo deegaanno hoostaga Cowsweyne iyo Galcad, waxaanna Cadowga looga furtay hub tiro badan, waxaanna looga dilay iyo horjoogayaal iyo dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta, toddobaadyadii ugu dambeeyay farxad ayay u ahayd ciidamada xoogga dalka guulaha wax ku oolka ah ay ka gaarayaan howlgalka ka dhanka Al-shabaab, sidaas oo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa ku faraxsan,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Difaaca.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Al-shabaab deegaanno badan oo ka tirsan dalka, halkaas oo ay dadka rayidka ah ku dhibaateyn jireen.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay safiirka midowga yurub u fadhiya Soomaliya

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub…

GudahaWararka
February 7, 2023

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo furay aqoon is waydaarsi la xiriira Siyaasadda Ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsiga…

GudahaWararka
February 20, 2023

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Baydhabo (SONNA): Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa si rasmi ah u Daah-furay…

GudahaWararka
July 6, 2025

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dawladda oo ka shiraya qorshe hawleedka sanadka 2021-da

Muqdisho (SONNA)- Agaasimaha guud ee wasaaradda qorhseynta maal-gashiga iyo horumarina dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, oo maanta guddoominayey shirkii toddobaadlaha ahaa ee…

Wararka
January 9, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023